Ixtifaalka Mowliidka NNK oo si weyn looga dhigay magaalada Stockholm

0
Saturday May 07, 2011 - 02:32:52 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2501
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ixtifaalka Mowliidka NNK oo si weyn looga dhigay magaalada Stockholm

    Maalinimadii Sabtida 19 febaraayo 2011 Kuna beegneed 16 Rabiicul awal 1432 taariiqda hijriga waxaa Magaalada Stockholm ee Caasimadda Wadanka sweden Lagu Qabtay Mowliidka Nabiga (NNK). Xafladaan oo lagu qabtay hoolka shirarka tensta tr&A

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maalinimadii Sabtida 19 febaraayo 2011 Kuna beegneed 16 Rabiicul awal 1432 taariiqda hijriga waxaa Magaalada Stockholm ee Caasimadda Wadanka sweden Lagu Qabtay Mowliidka Nabiga (NNK). Xafladaan oo lagu qabtay hoolka shirarka tensta träff ee Xaafadda tensta waxaa soo buuxiyay dadwayne farabadan. xafladaas oo ahayd mid aad loosoo agaasimay bilic iyo quruxna ka muuqatay waxaa lagu bilaabay aayado quraan ah oo uu aqriyay Mucalim maxamed (Amiin) Sh. C/Laahi Cali Gurey. Culumaa,diinka kahadlay xafladda Mowliidka waxay kala ahaayeen Sh. Muxyadiin Xassan Ayaanle Sh.Cusmaan Xaaji Sh.C/Raxman sh. Muxyadiin Sh.Daahir Xaaji Cusman Sh.Muxyadiin maxamed Adan Sh.Muxyadiin Maxamud Xirsi. SidooKale waxaa Saliga Nabiga (NNK) ka qaaday xafladda Culumaa,udiinka kala ah. Sh. Muxyadiin Mucalim Cali sh. Shariif Sheekhunaa Sh. deeq Muxumud Xaaji Cusmaan Sh. Abshir Cabdi Hilowle Sh. Bashiir Macalin Maxamed Sh. Daahir Walde Warsame Macaalim C/Qadir wadaad yare Muxaadaradii Ugu horaysay xafladda waxaa soo jeediyey Sheekh Muxyadiin Xassan Ayaanle Muxaadaradaas oo ahayd mid kooban waqtiga oo yaraa aawadiis ayaa lahayd tusaalayaal qanciyay goob joogayaashii xafladdakasoo qayb galay. muxaadaradaan oo ahayd mid lama illaawaan ah ayaa ku reebtay dadkii dhagaysanaayay dareen iyo saamayn balaaran. Tusaalayaashii uu soo qaatay shiikhu ayaa waxaa ka mid ahaa inILAAHAY kala fadli badiyay makhluuqiisa sida7 samo, 7 dhul, Umadaha, Ambiyada, Maalmaha, Sanadka, Hameenada iyo Usbuuca. waxaysa umuuqatay dhamaan arimahan Sheekhu sheegay gogal dhig Su,aal uu sheekhu iswaydiiyay ee ahayd maxaa waxyaalaha fadliga gaarkaa lasiiyay ee kuwalamidka ah laga fadli badiyay ay kumutaysteen ? Jawaabihii uu kabixiyay oo dhan dabcan cod ahaan baad uga bagon doontaa balse jawaabta lama huraankaah ee aan doonayo inaan quraal idinkugu soo gudbino ayaa ahayd tan uu kabixiyay kala fadli badashada maal maha usbuuca oo maalinta jumcadu ugu fadli badantahay ay ku mutaysatay sharaftaan dhalashada nabi Aadam Calayhi salaam. Haday saas tahay la,iskuna diidanayn maxaa diidaya maalinta Nabi muxamed (NNK) ladhalay inay mudantahay xusid gaar ah asaga oo kafadli badan Nabi Adan Nabad galyo iyo Naxariis korkooda ha ahaatee. Muxaadaradii labaad waxaa jeediyay Sh. C/Raxmaan Sh Muxyidiin celi oo asagu khudbadiisa gogalxaar uga dhigay inuu kadhawaajiyo Su aal baahi wayn loo qabay inuu dadka xusuusiyo Wuxuu yiri inbadan saxaafada waxay soo gudbisaa qof laga gooyay can, lug, carab amaba dhagax lagudilay ama meel fagaare ah lagutoogtay ayadoo laleeyahay waxaa lafuliyay Qisaas sharci ah laguna fuliyay jaajuuskamuslimeenta oo uu kumtayastay dilka. Sheikha yiri horta qofkii latuhmo ama lagubeen abuurto markaan xagga iska dhigno qofkay kucadaato ee qirsan muxuu xugumkiisu yahay. Wuxuu yiri meel fog loodoonimayo ee jawaabtu waa tii nabi Muxamammad (NNK) uu bixiyay wuxuu sooqaatay furaat ibnu xibaan oo ahaa sirdoonkii abii sufyaan oo hugaaminayay dagaalkii badar dhanka gaalada oo lasooqabtay sidee nabigu yeelay? Sidoo kale xaadib ibnu balqacah oo sirta nabiga ee dagaalkii uu ugu socday maka u,direy reer makaad markii lasoohordhigay warqadii uu u,diray ee uu qirtay sidee uladhaqmay? wuxuuna markaa culumadii madasha joogtay waydiiyay haday ogyihiin meel aykusoo aroortay tiftifka inladilo haday hayaan wuxuuna kujawaabay waliba islaam ah hala dilo inaysan jirin. Wuxuu sooqaatay habdhaqanka nabiga nabadgalyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee tusaale qisooyin kale oo balanka baxa wuxuuna tilmaamay inay balantahay magan galyada iyo daganaashaha lasiiyo kadibna qaraxa inay tahay balan kabax. Waxaa ayaguna muxaadarooyin qiima badan soo jeediya culumadda kala ah Sh. daahir Xaaji Cusman Ayaa Asaguna kahadlay siiradda Nabiga (NNK) Asagoo Sikooban oo qodadheer kaga hadlay Aqlaaqdii iyo dhaqankii Nabiga (NNK) Sh.Muxyadiin maxamed Adan OO Kahadlay dadka dadka diidan Mowliidka dhaliilna usoo jeediyay dadka kalana uga diyay fikarkaas sheegana inuu yahay fikir qaldan. Sh.Muxyadiin Maxamud Xirsi Ayaa Asaguna kahadlay Waynaynta Nabiga (NNK) iyo Qadarintiisa iyo waliba maxabadda (NNK) nalooga baahanyahay waynaynta Nabiga (NNK) Sh.Cusmaan Xaaji Adan Ayaa dadka usoo jeediyay inay ilaahay baryaan gacmaha kor utaagaan in ilaahay kaqaado abaarta,colaadda cudurka iyo dhibaatada ku habsatay dadka iyo duunyada





















Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc