Ogeysiis:
- Wargelin: Kitaabka Sunanu Abii Daa,uud oo uu Aqrinayo Sh.Cali Cismaan Ugaas Ayaa lasoo geliyay websiteka ka faa,iideeysi Wacan.
- Ogeysiis: Dhammaan walaalaha waxaa lagu wargelinayaa in aan soo kordhinay Android app aad ka dhagaysan kartaan Duruusta ku jirta Websiteka. hadaba si aad ula soo dagto kuqor play Storeka Sunnaweb.
- Wargelin: Kitaabka Minhaajka oo uu Aqrinayo Sh.Maxamud Cali Wacays Ayaa lasoo geliyay websiteka ka faa,iideeysi Wacan.
Siyaaradii Sh.Cabdale iyo SH.Cawareere oo lagu qabtay Finland
Waxaa Magaalada Helsing ee wadanka Finland Malintii Sabtida ahayd ka dhacday siyaaradii Sheekh Cabdale iyo Sheekh Cawareere Siyaarada oo Sanad walba ka dhacda Daafaha caalamka Gaar ahaan Wadanka Finland ayaa waxaa sanadkaan si weyn uga soo qeyb galay Mashaa,ikh waaweyn oofarabadan.
Siyaarada ayaa waxaa looga kala yimid Daafaha Magaalada Helsing iyo waliba Gobolada Wadanka sidookale Sweden iyo Londan Xaflada oo Malintii Sabtida ahayd Bilaabatay ayaa waxaa lagu Furay Qur,aanka Kariimka ah iyo waliba Muxadarooyin Diini ah halkaasi looga soo jeedinayay Dhamaan dadkii ka soo qeyb galay.
dadkii ka soo qeyb galay oo isugu jiray Culumo,Odayaal ,Dhalin yaro,Haween iyo Caruur ayaa waxaa dhamantood ay aad ugu faraxsanyeen habka ay culumadu uga haqab tireyso Diinta ayada oo sidoo kale culumada halkaasi isugu timid bulshadii nasiibka u yelatay in ay Siyaarada ka soo qeyb gasho Uga shekeeyay mahiimada ay leedahay dadka wanaagsan inlagu xirnaado.
Waxayna Siyaaradu ku soo idlaatay jawi farxadeed waxaana culumada halkaasi isugu yimid ay u duceyeen dhamaan Umadaha islaamka ayaga oo gaar haan u duceeyay umada soomaaliyeen iyo Dadkii Siyaarada u istaagay in ay dhigaan ayada oo Khitaamkana lagu soo xiray siyaarada Qasiidooyin aad umacanaa.
Siyaaraadaan oo ahayd mid ay ka muuqatay bilic ayaa waxaa ay ku soo gabagaboowday nuur iyo nafaxaad.
Gudiga qaban qaabadda Siyaaradda:
Macalim Xassan Rooble
Absjir Maxamed Faarax
Fahmo Salaad Khayre (Gacamay)
Xaawo Cali Cabdille
Kiin Cali Nuure
Maamo Xaliimo Xariif
Xafiiska Waraka Daldeeq Sweden:
E-mailka: daldeeq@live.com
Siyaaradii Sh.Cabdale iyo SH.Cawareere oo lagu qabtay Finland