Ogeysiis:
- Wargelin: Kitaabka Sunanu Abii Daa,uud oo uu Aqrinayo Sh.Cali Cismaan Ugaas Ayaa lasoo geliyay websiteka ka faa,iideeysi Wacan.
- Ogeysiis: Dhammaan walaalaha waxaa lagu wargelinayaa in aan soo kordhinay Android app aad ka dhagaysan kartaan Duruusta ku jirta Websiteka. hadaba si aad ula soo dagto kuqor play Storeka Sunnaweb.
- Wargelin: Kitaabka Minhaajka oo uu Aqrinayo Sh.Maxamud Cali Wacays Ayaa lasoo geliyay websiteka ka faa,iideeysi Wacan.
Ziyaaradii Sh.Axmed Looboge oo lagu qabtay Stockholm
Waxaa Magaalada Stockholm ee wadanka Sweden Malintii shalay ahayd ka dhacday siyaaradii Caalimkii weynaa ee sheekh Loobage ayada oo Siyaarada sheekha oo Sanad walba ka dhacdo Daafaha caalamka Gaar ahaan Ubadka sheekhu ee ku dhaqan wadanka Sweden ay dhigaan ayaa waxaa sanadkaan si weyn uga soo qeyb galay Mashaa,ikh waaweyn oo ay ka mid yihiin Shiikh cabdiraxmaan sheekh muxiyadiin Celi,Sheekh muxuyadiin ayaanle.sheekh Dahir Xaji xasan,sheekh Cismaan Qoryoleey,sheekh Maxamuud Guraceel iyo waliba Masha iikh badan.
shiikh Loobage Siyaaradiisa ayaa waxaa dadka ka soo qeyb galay ka kala yimadeen Daafaha Magaalada Stockholm iyo waliba Gobolada waxaana xaflada oo habeynkii Jimcaha ahayd Bilaabatay ayaa waxaa Culumada ku Subciyeen Qur,aanka oo dhan ayada oo sidoo kale Qasidooyin iyo waliba Muxadarooyin Diini ah halkaasi ugu soo jeedinayay Dhamaan dadkii ka soo qeyb galay.
dadkii ka soo qeyb galay oo isugu jiray Culumo,Odayaal ,Dhalin yaro,Haween iyo Caruur ayaa waxaa dhamantood ay aad ugu faraxsanyeen habka ay culumadu uga haqab tireyso Diinta ayada oo sidoo kale culumada halkaasi isugu timid bulshadii nasiibka u yelatay in ay Siyaarada ka soo qeyb gasho Uga shekeeyay Doorkii Caalamka weyn Sheekh Loobage uu Diinta islaamka Garsiinteeda Bulshda soomaaliyeed uu ka Qaatay.
Sheekh Loobage ayaa ahaa sheekha dhamaan dhulka soomaaliya laga tix galyo ayada oo Dacwada islaamka ka fidin jiray Guud ahaan dalka soomaaliyeed waxaana siikha allaha u naxariistee uu Kaalin libaax leh uu u galiy Naftiisa Fidinta diinta islamka.
Sheekh Loobage ayaa ahaa sheekha dhamaan dhulka soomaaliya laga tix galyo ayada oo Dacwada islaamka ka fidin jiray Guud ahaan dalka soomaaliyeed waxaana siikha allaha u naxariistee uu Kaalin libaax leh uu u galiy Naftiisa Fidinta diinta islamka.
Waxaana Habkii uu diinta islaamka ugu fidiyay dalka soomaaliya ay ka dhigtay shiikha mid si weyn ay jiil walba jiilka ka sii danbeeya ay u Garanayaan Tariikhdiisa Wanagsaneed ayada oo shiikhu iminka ku aasan yahay Gobolada wuqooyi Galbeed ee la magac baxay soomaaliland.
Waxaa xusid mudanaa in Siyaarada sheekha ay si weyn uga shaqenayeen dhalin yaro rag iyo Haween isugu jiray kuwaasi oo si Qiimo badan uga Qidmeenaya dadkii martida ahaa ee ka soo qeyb galay siyaarada sheekh Loobage.
Waxaana Siyaarada sheekha xalay saqdii dhaxe ku soo idlaatay jawi farxadeed waxaana culumada halkaasi isugu yimid ay u duceyeen dhamaan Umadaha islaamka ayaga oo gaar haan u duceeyay umada soomaaliyeen iyo Dadkii Siyaarada sheekha u istaagay in ay dhigaan ayada oo Khitaamkana lagu soo xiray siyaarada Qasiidooyin aad umacanaa.
Ziyaaradii Sh.Axmed Looboge oo lagu qabtay Stockholm