Ogeysiis:
- Wargelin: Kitaabka Sunanu Abii Daa,uud oo uu Aqrinayo Sh.Cali Cismaan Ugaas Ayaa lasoo geliyay websiteka ka faa,iideeysi Wacan.
- Ogeysiis: Dhammaan walaalaha waxaa lagu wargelinayaa in aan soo kordhinay Android app aad ka dhagaysan kartaan Duruusta ku jirta Websiteka. hadaba si aad ula soo dagto kuqor play Storeka Sunnaweb.
- Wargelin: Kitaabka Minhaajka oo uu Aqrinayo Sh.Maxamud Cali Wacays Ayaa lasoo geliyay websiteka ka faa,iideeysi Wacan.
Siyaaradii Indhayare iyo Owlaadiisa oo Lagu Qabtay Stockholm 2013- 12- 28
Waxaa Magaalada Stockholm ee wadanka Sweden Malintii Sabtida dhacday siyaaradii Indhayare Cali Gurey iyo Owlaadiisii oo ay ka midyihiin sheekh Cabdi, Sh Jaamac iyo Aadan iyo waliba intii aysii dhaleen Siyaarada oo Sanadkii Ugu horaysay ka dhacday Stockholm ayaa waxaa qaban qaabiyay Faraca ku Abtirsada Indhayare.
Siyaarada ayaa waxaa looga kala yimid Daafaha Magaalada Stockholm iyo waliba Gobolada iyo iyo Finland Xaflada oo Maalinamadii Sabtida ahayd Bilaabatay ayaa waxaa lasoo gaban gabeeyay Hamiinkii Axada.
dadkii ka soo qeyb galay oo isugu jiray Culumo,Odayaal ,Dhalin yaro,Haween iyo Caruur ayaa waxaa dhamantood ay aad ugu faraxsanyeen habka ay Siyaaradu usocotay.
Waxaana Siyaarada xalay saqdii dhaxe ku soo idlaatay jawi farxadeed waxaana culumada halkaasi isugu yimid ay u duceyeen dhamaan Umadaha islaamka ayaga oo gaar haan u duceeyay umada soomaaliyeen iyo Dadkii Siyaarada u istaagay in ay dhigaan ayada oo Khitaamkana lagu soo xiray siyaarada Qasiidooyin aad umacanaa.
Xafiiska Sunnaweb Sockholm:
E-mail: Sunnaweb@hotmail.com
Siyaaradii Indhayare iyo Owlaadiisa oo Lagu Qabtay Stockholm 2013- 12- 28