Munaasabada Mowlidka Nabiga NNK oo lagu qabtay Stockholm Sweden

1
Monday January 06, 2014 - 18:04:36 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 3484
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Munaasabada Mowlidka Nabiga NNK oo lagu qabtay Stockholm Sweden

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa magaalada Stockholm ee wadanka Sweden lagu qabtay Maalinimadii Sabtida taariikhduna ku beegnayad 04-01-2014-Taariikhda Hijriguna ahayd 1435-Rabiicul-awal-03 Munaasabad lagu weynaynaayay dhalashada Nabigeenii suubanaa CSW.
Xafladaas oo kadhacday hoolka shirarka TENSTA-TRAFF Ayaa waxaa kasoo qeybgalay kumanaan dadweyne ah oo iskugujirey qeybaha kala duwan ee bulshada sida culumaa,udiinka ,Aqoonyahano,Odayaal,Dhalinyaro,Hooyooyin.
Xaflada ayaa waxaa lagu daahfurey sidii dhaqanka islaamku ahaa Ayaayadaha qur,aanka kariimka oo uu halkaa kasoo jeediyay Mucalim Muxamed oo ka yimid wadanka Norway Kadibna waxaa halkaa kusoo bandhigay Qasaaid Nabi amaan ah qaar kamid ah ardayda Dusiga Qur,aanka eeAhlusunna.quraanka kabacdi ayaa waxaa la guda galay muxaadaraadkii oo ay dhinac socdeen nabi ammaano ay qaadayeen maadixiintii ka soo qayb galay xafladda.
Culumaa,diinkii Muxaadarada kasoo jeediyay waxaa kamid ahaa
Sheekheena weyn
Sh.Muxyidiin Xassan Ayaanle from Stockholm
Sh C/Raxmaan Sh Muxyidiin Celi, from Goteborg.
Sh Cali Raage Shanle From Koping.
Sh Cabdulahi Salaad from Goteborg.
Sh Muuse Xaaji Aadan From Norway Oslo
Sh Cubeyduraxman Xusseen Xassan. From Goteborg
Sh Muxyidiin Mohamed Aadan From Stockholm
Waxaa inlaxuso Mudan arday aad uda,yar kana socday Dugsiga Qur,aanka eeAlxikmahoo isna halkaa kaso jediyay Siirada Nabiga csw oo Swedish kubaxaysay oo ay aad ugu riyaaqeen da,yartii dhagaysanaysay maadaama ay wadankaan kudhasheen lagana yaabo inaysan aad ufahmeen Luqadaha kale.


Maadixiinta goobta ku sugnaa waxaa ka mid ahaaa
Shariif Skeekhuna Maye From Goteborg
Mucalim Xassan Rooble From Finland
Mucalim Saciid Xassan Cilmi From Stockholm
Sh Ibraahim Sh Faarax From Maalmo
Sh Mahad Sh Axmed Sheelare From Stocholm
Sh Daahir Walde Warsame From Koping
Sh Abdi Cali From Borlange
Sh Cismaan Sh Cali Naaleeye From Stockholm
Axmed daahir From Finland
iyo inbadan oo aan magacyadooda halkaan lagu soo koobi karin.
Xafladda oo ay ka muuqatay bilc ayaa waxaa ay ku soo gabagaboowday nuur iyo nafaxaad.

Fiiro gaar ah Gudiga qabanqaabada Xafladda waxay ka raali galinayaan walaalihii goobtu ka buuxsantay ee mudada dheer banaanka taagnaaa waad ku mahadsantihiin kasoo qayb galkiina

Warbixintaan soo gudbinteeda waxaa iska kaashaday
Sunnaweb.com iyo Warsheekh.com.
wixii talo iyo tusaale ah ku soo dir
sunnaweb@hotmail.com





















































Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc