Munaasabada Mowlidka Nabiga NNK oo lagu qabtay Nairobi

0
Wednesday January 08, 2014 - 20:26:43 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 8193
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Munaasabada Mowlidka Nabiga NNK oo lagu qabtay Nairobi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasabad lagu weyneenayay Xuska Dhalashada Rasuulkeeni Muxamed (CSW) ayaa maanta lagu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya iyadoo maantana ee kubeegneed maalinta kowaad ee bisha Mowliid oo ah bisha uu dhashay suubanaha (NNKH).


Munaasabadaani oo aheed mid siweyn loo soo abaabulay kana dhacday Howl si qurux badan loo soo sharxay oo katirsan Hotel-Ka Carmel ee magaalada Nairobi, ee Xaafada Islii ayaa waxa qaban qaabadeeda lahaa dhamaanjameecada Reer sheekh C/raxman Sheekh Cumar, (Sheekh Cabdi Celli) ee kunool Magaalada Nairobi dalka Kenya.

Kaqeybgalka Munaasabada oo ee soo xaadireen dhamaan Culuma’udiinka Ahlusunah Waljamaac ee sida weyn loo yaqaano, sida Asharaafta,. Mudarasiin, Mucalimiin, Xildhibaano katirsan baarlamaanka Soomaaliya, Ganacsato caan ah iyo dhamaan qeybaha kala gadisan ee bulshada kunool magaalada Nairobi.

Munaasabada oo si qurux badan udhaceysay ayaa ugu horeyn waxa lagu fur furtay Saliga Nabiga iyadoo halkaa lagu aqriyayKitaabka Mowliidka ee Shiikheena Sheekh C/raxman Sheekh Cumar (Sh: Cabdi Celi)uu dajiyay ayna aqrinayeen Jameecada reerSheekh C/raxman ee hogaminayeen Shariif Cali Shariif Xadaad, Sheekh Isxaaq Xaaji Muuse, Sheekh C/raxman Siid Maxamud Sheekh Cabdi, Sheekh Shaafici, Sayid Cumar Sh: Max’ed Sh: Axmed Gabale iyo Sheekh Cumar Sheekh Axmed Sheekh Maxamed.

Inta kadib ayaa waxa bilowday Muxaadarooyinki qiimaha badnaa ee jeedinayeen culuma’udiinki caanka ahaa ee kasoo qeybgalay munaasbada lagu weyneenayay bisha uu dhashay suubanaheeni Muxamad (CSW).

Ugu horeyn waxa muxaadarooyinka Bilaabay,Gudoomiyaha Culuma’udiinka Ahlusunah Waljamaac ee wadanka Kenya, Sheekh Cabdicasiisisagoo kahadlay Sheekha Saliga Nabigeeni Muxamed (CSW) iyo faa’iidada uu leeyahay .

Qudbada labaad ee Taxanaha munaasabadi maanta ayaa waxa soo jeediyayShariif Cabdulaahi Imaamka Masjidka 12th Street ee magaalada Nairobiisagoo shariifka kudheeraaday kahadalka xukunka Islaamiga ah iyo waxa uu ka qabo munaasabadaan qiimaha iyo sharafta badan ee lagu weyneenayo Suubanaheeni Muxamad (CSW).

Sheekha Fadliga iyo Cilmiga usaaxibka ah Asayid Sheekh Cabduqaadir Xaashi (Baajuuri)ayaa isagana waxa uu ka hadlay mowduuca ciwaankiisu ahaa, Maxabada Rasuulkeeni Muxamad (CSW).

Sheekh Baajuuri ayaa ugu horeyn kacudur daartay in mowduuca loodhiibay inuu yahay mid haba yaraatee uusan ehel u aheen isagoo tilmaamay in mowduucaas iyo sifadiisa ee adagtahay sida lagu gaaro eena haboon tahay in qof walba ee waajib kutahay in Nabiga ujeclaado sida ee ujcelaadeen Asxaabta Rasuulkeeni Muxamad (CSW).

Sheekha oo mar tusaaleenayay sida Asxaabta Nabiga ugu tartami jireen wanaaga isugna qiri jireen sida ee ugu kala horeeyeen ayaa waxa uu soo qaatay hadal uu yiri Qaliifka Islaamka Sayid Cumar :, " Habeen iyo Maalin kamid ah Cimriga Siid Abuukar ayaa waxey ka fadli badanyihiin cimrigeega oo dhan”, ayuu yiri Siidina Cumar isagoo ku fasiray habeenka iyo maalintaas qiimaha badan iney tahay xiligi Siid Abuukar Sadiiq uu la hijrooday Nabi Muxamed (CSW), iyadoo inta ee safarka kujireen Rasuulka iyo Siid abuukar uu siiid Abuukar ahaa mid marba dhinac ka marayay Nabigeeni Muxamad (CSW) si ee u asiibaan wixi Nabiga kuwajahan oo dhibaato ah sida in Cadaw uu wada hore ugalo amaba hadii uu cadaw dhinacyada uga yimaado amaba Gadaal.

Sheekh Baajuuri ayaa tusaalooyinkaan dhamaan usoo qaatay sida Asxaabta Rasuulka CSW ee mar walba diyaar ugu ahaayeen jaceylka Naftooda, Maalkooda, iyo Qoyskooda uga hor marinayeen Jaceylka Suubanaheeni Muxamad (CSW), isagoo sheekna tilmaamay in cid walba oo muslim ah looga baahan yahay in maxabada Nabiga (NNKH) ee unoqoto tan kowaad.

Sheekh Xuseen Dayib oo isagana kamid ah mudarasiinta masjidka third Streetee Magaalada Nairobi ayaa isagana waxa uu kudheeraaday kasheekeenta Mucjizaadka Nabigeeni Muxamed (CSW).

Sheekha Mudariska kutubada badana ka aqriya Masjidyada iyo mowlacyada magaalada Nairobi Asayid Sheekh Muxyadiin Laashin,ayaa isagana waxa uu ku nuux nuuxsaday Mowduuc ciwaankiisu ahaa
Siirada Nabigeeni Muxamad (CSW).

Sheekh Muxyadiin ayaa sida caadada iyo weyneenta u ah Culuma’udiinka Ahlusunah waljamaac ee Daruuqu Suufiyah waxa uu si aadaab iyo ixtiraam kujirta ka cudur daartay inuusan ehel u aheen kahadalka mowduucaan hasa yeeshe bacdama lagu dhawaaqay magaciisa uu sharfaayo dhoorayana qalbiyada walaalaha jecleestay iney meesha uga yeeraan.

Sheekha ayaa sidoo kale isagana dhinacyo badan kataabtay Siirada Nabigeeni Muxamad (CSW).

Ugu Dambeentina waxa Munaasabad Duco dheer kusoo qatimaySheekh Maxamed Dhagax Buurisagoona dhamaan umada Muslimiinta Eebe uga baryay inuu arsuqo Maxabada Nabiga (CSW), sidoo kalena sheekha waxa uu duco qaas ah uduceeyay Umada Soomaaliyeed meel kasta oo ee joogaan gaar ahaan Jameecada reer Sheekh C/raxman sheikh Cumar ee abaabulka iyo habsami uqabsoomida xuskaan usababta ahaa .

Gaba gabadi Munaasabada ayaa waxa kahadlay Sheekha Mudariska ah Sheekh Cabdulaahi Cali Aadanoo kuhadlayay magaca gudiga qaban qaabada munaasabadaan qiimaha badan isagoona dhamaan dadki kasoo qeybgalay munaasabada Alla uga baryay danbi dhaaf iyo ajir aan lasoo koobi Karin, hasa yeeshe Sheekha ayaa sidoo kale waxa uu ka cudur daartay in waqtiga uu ciriiri u ah eesan usuura galeenin in qudbado ee meesha ka jeediyaan Culima’udiin kale oo mudnaa iney meesha ka hadlaan iyo Xildhibaano Ganacsato iyo Marti Sharaf kale .

Jawiga Munaasbadi maanta ayaa waxa uu kusoo gaba gaboobay si qurux badan .

Waa bahdi shabakada Warsheekh oo idin leh waxa kuligeen isu dar daarmeena Maxabada Nabigeeni Muxamed (NNKH).

Fiiro Gaar Ah, Hadii aad Mobile Kadaawaneyso Sawirada
Riix Halkaan



W/D: Maxamuud Sheekh Axmed yare
Xafiiska Shabakada Warsheekh ee Nairobi
E-mail: warsheekh10@hotmail.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc