Munaasabada Mowlidka Nabiga NNK oo lagu qabtay Guriceel

0
Wednesday January 15, 2014 - 11:49:44 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 3681
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Munaasabada Mowlidka Nabiga NNK oo lagu qabtay Guriceel

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasabad lagu weynaynayo xuska dhalashada Nabigeenna Muxammed (NNKH) ayaa maanta lagu qabtay deegaanka Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Xuska waxaa qaban qaabiyay culimaa’uddiinka Ahlu Sunna Waljamaaca waxaana ka qayb galay bulshada ku nool Guriceel.

Ka qeyb galayaasha munaasabadda ayaa socod ku soo maray waddooyinka Guriceel, iyagoo ku labbisan dhar qurux badan oo ay ku xardhanaayeen erayo lagu muujinayay weyneynta maalinta dhalashada Nebiga (NNKH).

Culimaa’uddiin ay ka mid ahaayeen Sheekh Maxamed Jaamac Yare iyo Sheekh Maxamed Cali Xasan ayaa la hadlay dadweynaha ka qeyb galay xuska, waxayna ka sheekeeyeen taariikhdii Nebiga iyo dedaalkii uu u galay fidinta diinta Islaamka.

Sidoo kale Sheekh Maxamed Shaakir oo isna ka hadlay munaasabadda ayaa u soo jeediyay shacabka gobollada dhexe in ay carruurtooda baraan diinta iyo qiimaha xuska dhalashada Nebiga (NNKH).

p5

p4

p3

p2

p1

p6

p7

p8

p9

p10




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc