Munaasabada Mowlidka Nabiga NNK oo lagu qabtay Nairobi

0
Wednesday January 15, 2014 - 12:35:04 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 10615
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Munaasabada Mowlidka Nabiga NNK oo lagu qabtay Nairobi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aalaaba xilligaan oo kale daafaha caalamka waxaa ka dhaca dabaal degyo waaweyn oo lagu soo dhaweynayo waqtiga uu dhalashay Xabiibkeena Suuban CSW oo ku beegan xilligaan .
Muslimiinta kunool Magaala madaxda dalka Kenya ee Nairobi oo kamid ah magaalooyinka waaweyn ee geeska Africa ayaa waxa ay soo bandhigeen banaanbaxyo waaweyn oo ay kusoo dhaweynayaan dhalashada Rasuulkeena Suuban CSW.

Dibadbaxa maanta ka dhacay magaalada nairobi gaar ahaan xaafada Islii waxaa si wadajir uga soo wada qeybgalay Asharaaf, Culama'udiin, Mucalimiin Odayaal, ganacsato, Aqoonyahaano, Siyaasiyiin, Haweyn, dhalinyaro iyo dhammaan qeybaha kala gedisan ee bulshada Muslimiinta ah iyadoo qaban qaabada dabaal dega maanta uu lahaay Ururka Ahlusunna Waljameeca oo marwalba hormuud u ah kulan diimeedka nuucan oo kale ah.

Sida caadada ah ee looga bartay maalintaan qiimaha iyo qadarka weyn leh ayaa waxa ay tahay in lagu soo wareego wadooyinka waaweyn ee Eastleigh iyadoo Mucaashiqiinta sameynayey dabaal dega ay isugu jireen kuwo kusocda lug, gawaari, Fardo, Geelo iyo Mootooyin waxaana ay qaadayeen Salawaad aad u macaan oo lagu weynanayo dhalashada Suubanaheena Muxamed CSW.

Gawaari ay kuxiran yihiin cod baahiyayaal ayaa laga sii deynayay salawaat iyo qudbado ay jeedinayeen culuma’udiin qeyb ka ahaa socodka dheer ay dadweynaha ku marayeen wadooyinka xaafada Eastleigh isla markaana ku labisan dares ka tarjumayo Dareeska Muslimiinta caanka kuyihiin.

Socodka dheer kadib ayaa waxaa leysugu tagay goobta lagu ballansanaa oo aheyd New Eastleigh Primary School oo ah goob baaxad weyn leh islamarkana hore looga sii shaqeeyey iyadoo loo diyaariyey fadhiyo cajiib ah oo kala gedisan sida Qeybta Culuma’udiinka, Aqoonyahanada, Siyaasiyiinta, Haweynka iyo dhalinyarada.

Intaas kadib waxaa la bilaabay qudabadihi Culama'udiinka waxaana lagu fur furtay sida caadad aheyd Aaayadaha Qur'aanka kariimka ah iyadoo lagu xijiyey Salliga Rasuulkeena Muxamed CSW.

Culamadi xaadirka aheyd oo aad u tiro badneyd ayaa waxa ay iska dhax doorteen qaar ayaga kamid ah in ay soo jeediyaan muwaacida kusaabsan Mowlidka Nabiga CSW si dadweynihi soo xaadiray ay u gaarsiiyaan waxa ay tahay maalintaan qiimaha iyo sharafka badan leh ee lagu soo dhaweynayo Xabiibka Suuban CSW iyo faa'iidada ay ledahahay ijtimaaca nuucaan oo kale ah.

Muwaacida kusaaban Mowliidka CSW ayaa waxa ay kubaxaayeen luqadooyinka kala duwan sida , Afkeena hooyo ee Soomaaliya, Carabi, English iyo Ksiwahili waxaana Culamadii muwaacida soo jeedisay si qotodheer dadweynaha ugu baaqay weyneynta Nabigeena Muxamed CSW oo ah mid Alle agtiisa darajooyin waaweyn looga helaayo.

Qaar kamid ah Culama'udiinka kasoo qeybgalay Xuska Xabiibka CSW.

Shariif C/llaahi Shariif Xasan (Imaamka Masjidka 12 street)
Shariif Cabdicaziiz Gudoomiyaha Ahlusunna Waljameeca
Shariif Siyaad oo ka socda (Masjidka Third Street )
Shariif Cabdiwahab
Shariif Cali Shariif Xadaad
Shariif Maxbuub
Sh C/qaadir Xaashi
Sh Saalix Macalin
Sh Shanyaalow Sh Maxamed Nuur Bin Luqmaan
Sh Khaalid
Sh Maxamed Dhagaxbuur
Sh Axmed Kaboole
Sh Xuseen Dayib
Sh Muxidiin Laashin
Sh Xasam Nuur oo kasocda Culamada wadaan kenya u dhashay
Sh Maxamuud Dheere
Sh Musdafa C/llaahi Bulxan oo kasocda Masjidka (Alxaq Plaza)
Macalin Shardi
Sh Isxaaq Xaaji Muuse
Sh C/raxmaan siid Maxamuud Sh cabdi

Iyo Culamaa'udiin kale oo farabadan oo aan halkaan lagusoo koobi karin.

Gaba gabadii iyo gunaanadkii xaflada ayaa waxaa halkaasi ka duceeyey qaar kamid ah Asharaaftii kasoo qeybgashay Xaflada Qiimaha badan waxaana ay u duceeyeen dhammaan inta Nabiga CSW jecel oo xuskiisa kufaraxsan waxaana sidoo kale dalkeena Alle uga baryeen Rasuulka Fadligiisa in dhibaatada uga qaado oo nabad iyo degenaansho usoo dajiyo.

Jawiga Xaflada ayaa waxa uu kusoo gaba gaboobay farax iyo saruur

Isku dabaridka: Cali Sh Axmed (Caliyare)

E-Mail: Warsheekh10@hotmail.com
Nairobi Kenya

























Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc