Munaasibad Al-Israa' Wal-Micraaj oo Lagu Qabtay Gothenburg - Sweden.

0
Wednesday May 28, 2014 - 22:26:57 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2660
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Munaasibad Al-Israa' Wal-Micraaj oo Lagu Qabtay Gothenburg - Sweden.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus






Munaasibad Al-Israa' Wal-Micraaj oo Lagu Qabtay Gothenburg - Sweden.

Munaasibad Lagu Xusaayey labada Dhacdo Waa Dheelminta Suubbanaha SCWW iyo Kor-yeelidda ama Korsiinta la Korsiiyey Samooyinka ( Al-Israa' Wal-Micraaj ) iyo Sarreyn Xadkeeda uu Garanaaayo oo Kaliya Allaha Kawnka Sameystay ee Soo Martay Taariikhda Islaamka Iyo Muslimiinta ayaa ka Dhacday Magalaada Gothenburg - SwedenSabti Taariikhda Marka ay aheyd 24 - May - 2014.

Waxaana ka soo Qeyb-galay Jaalliyadda Soomaaliyeed ee ku Nool Magaalada Gothenburg - Sweden.

Waxaa Kaloo ka soo Qeyb-galay Munaasibadaas Culimaa'uddiin ku Xeel-dheer Aqoonta ay u Leeyihiin Diinta islaamka.

Culimadu Waxa ay ka Baxsheen Munaasibada Duruus kala Duwan oo Wax-tar u Leh Bulshada ama Jaalliyada Soomaaliyeed Dhinaca Adduunkooda iyo Aakhiradooda.

Waxaa Furay BarnaamijkaSheikh Abdurrahmaan Sheikh M'diin EliIsla markaasna Tilmaamay Muhimmadda ay Leedahay In La Xuso Lana Weeyneeyo Maalmaha uu Allaah Weyneeyey.

Sheikha Waxa uu Si' Kooban Uga Hadlay Sababaha , Mashaahidda ama Muuqaallada ay Laheyd iyo Raadka ay ku Reebatay Dhacdada Dheelminta Suubbanaha SCWA Quluubta Mu'miniinta iyo Bani-Aaddamka Kale intaba iyo Waxa La Gudboon Kuweenna Gadaal-ka-Gaarka ah.

Dadkii ka Faa'iideysanayey Duruusta iyo Muxaadaraadka Waxa ay ka Koobnaayeen Qeybaha kala Duwan ee Bulshada.
Sidoo kale Duruusta iyo Muxaadaraadka Waxa ay ku Baxayeen Afafka Soomaaliga, English-ka iyo Swedish-ka.
Waxaa Barnaamijka Daaddihinaayey oo Xiriiriye ka ahaaSheikh Cubeydurrahmaan Xaaji Xuseen XasanKaa soo Ugu Qeybinaayey Culimada Duruusta iyo Kalimaatka si' ay Xikmadi ku Laran amaba Dheehan tahay.
Dadkii Munaasibada ka Qeyb-galay, waxa ay Fursad u Heleen in ay Weyddiiyaan Su'aalo Culimada.

Gaba-gabadii Munaasibada, Waa ay Duceysteen Muslimiintii ay Kulmisay MunaasibadaAl-Israa' Wal-Micraajka, Waxey kaloo u Duceeyeen Dalka Soomaaliya iyo Dhammaan Dunida Islaamka ee Dhibaatooyinka ka Taagan yihiin.

Culimada ka soo Qeyb-gashay Munaasibada Waxa ay Kala ahaayeen Sidan

1- Sheikh Muuse Aw Nuur Sh Muuse ------------Holland.

2- Sheikh Ahmad Abdlkariim ---------------------- Norway.

3- Sheikh M'uud Abdi Sabriye--------------------- Sweden.

4- Sheikh M'diin Maxaa Jiin-gaab--------------- Sweden.

5-Shekh Ali Raaghe--------------------------------- Sweden.

6- Sheikh Jacop Domargård----------------------- Sweden.

7- Sheikh Abdullaah Muusa------------------------ Gambia.

8- Sheikh Abdlkariim Sh. Omar------------------- Sweden.
9- Sheikh Ibraahim Faarax ................................Sweden

Waxaa Xusid Mudan in Abaabulka, Maamulka iyo Maareynta ay lahaayeen Dhallinyarada Ahl Sunna Wal-Jamaa'ah ee Gothenburg , Wiilal iyo Gabdho oo uu Hor Muud u ahaa Guddoomiyahooda Mucallim M'uud Mataan.

Iddaarada Ahl Sunnah Wal-Jamaa'ah ee Gothenburg - Sweden.




























Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc