Siyaaradii Sh Cabdallle iyo Sh Cawareere oo lagu qabtay Finland Turku-15-04-25

0
Tuesday April 28, 2015 - 18:39:07 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2355
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaaradii Sh Cabdallle iyo Sh Cawareere oo lagu qabtay Finland Turku-15-04-25

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus







Waxaa Magaalada Turkuu ee Wadanka Finland Malintii Sabtida ahayd ka dhacday siyaaradii Sheekh Cabdale iyo Sheekh Cawareere Siyaarada oo Sanad walba ka dhacda Daafaha Caalamka Gaar ahaan Wadanka Finland ayaa waxaa Sanadkaan si weyn loogu dhigay Turkuu.

Siyaarada ayaa waxaa looga kala yimid Daafaha Finland iyo waliba Sweden.

dadkii ka soo qeyb galay oo isugu jiray Culumo,Odayaal ,Dhalin yaro,Haween iyo Caruur ayaa waxaa dhamantood ay aad ugu faraxsanyeen habka ay culumadu uga haqab tireyso Diinta ayada oo sidoo kale culumada halkaasi isugu timid bulshadii nasiibka u yelatay in ay Siyaarada ka soo qeyb gasho Uga shekeeyay mahiimaha ay leedahay dadka Wanaagsan inlagu xirnaado.

Waxaana Siyaarada Xalay Saqdii dhaxe ku soo idlaatay jawi farxadeed waxaana culumada halkaasi isugu yimid ay u duceyeen dhamaan Umadaha islaamka ayaga oo gaar haan u duceeyay umada soomaaliyeen iyo Dadkii Siyaarada u istaagay in ay dhigaan ayada oo Khitaamkana lagu soo xiray siyaarada Qasiidooyin aad umacanaa.
Siyaaraadaan oo ahayd mid ay ka muuqatay bilic ayaa waxaa ay ku soo gabagaboowday nuur iyo nafaxaad.

Xafiiska Sunnaweb Sockholm:
E-mail: Sunnaweb@hotmail.com


























Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc