Mutamarkii Ahlusunnah Waljamaca Swedhen+masawiro

0
Monday June 27, 2011 - 12:55:21 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 3712
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mutamarkii Ahlusunnah Waljamaca Swedhen+masawiro

    Mu’tamarkii 7-aad ee culumaa’udiinka ahlusunna waljamaaca ayaa lagu soo gunaanaday magaalada Gothenburg ee dalka Swedan, iyada dadweyne aad u fara badan iyo ulimaaudiin caan ka ah bulshada dhexdeeda kuwaas ka kala yimid qaar ka mid ah daf

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mu’tamarkii 7-aad ee culumaa’udiinka ahlusunna waljamaaca ayaa lagu soo gunaanaday magaalada Gothenburg ee dalka Swedan, iyada dadweyne aad u fara badan iyo ulimaaudiin caan ka ah bulshada dhexdeeda kuwaas ka kala yimid qaar ka mid ah dafaha dunida gaar ahaan qaarada yurub. Mu’tamarkan ayaa sanadkan waxaa si weyn loogu gorfeeyey mowduucyo kala duwan sida islaamka iyo nolosha xuska allah, Aadaabta suuban, nidaamka hab nololeedka qurbaha iyo shareecada islaamka, xasadka iyo mowduucyo kale waxaana soo jeedinayey culu’aamudiin ay ka mid ahaayeen Shiikh Muuse Cadde, Sh, Maxamed Kumiye Axmed. Shiikh C/raxmaan Shjiikh Muxudiin,shiikh Cali loobage, Dr, Axmed Da’ud , Dr, Axmed Calasow, shiikh Muuse iyo kuwo kale waxaana muxaadarooyinka dhextaal u ahaa qasiidooyin nabi amaan ah. Mu’tamarka sanadkan ayaa waxaa hal ku dhig u ahaa ninki dhawaan ku diido dhawaan ayuu ku doonaa, waxaana mu’tamarkan uu ahaa mid si weyn looga shaqeeyey qaban qaabadiisa, iyo nidaamka uu ku socday, waxaana si gaar ah dadku ay u xiisaneynayeen muxaaradooyinka culumaa’udiinka sida shiikh Muuse Cadde, Sh. Maxamed Kulmiye Axmed iyo Sh. C/raxmaan shiiklh Muxudiin. Goobta Mu’tamarka ka socday ayaa waxaa si weyn amaan iyo bogaadin loogu jeediyey Macalin Saciid oo ahaa shiikha hogaamineyey jamceedadii ka timid Magaalada Stockholm, isla markaana sababta ugu weyn lahaa in mu’tamarkan uu sii jiro, waxaana laga codsaday Macalin Saciid in uu ka duceeyo gunaanadka Mu’tamarka . Sh. C/raxmaan Shikh Muxudiin oo ku hadlayey magaca culumaa’udiinka ahlusunna waljamaaca iyo kan gudiga qaban qaabada ayaa waxa uu si weyn ugu mahadceliyey dhamaan ka qeybgalayaasha mu’tamarka, isaga oo u duceeyey dhamaan intii gacanta ka geysatay qabsoomida mu’tamarka, hadii ay xoog ahaan laheyd iyo xoolaba. Dhamaadka Mu’tamarka waxaa soo gaaray wafdi uu hogaaminayey Siyaasiga Cali Ugaas C/lle o oka yimid wadanka Jarmalka waxa uuna sheegay in ay farxad u tahay in uu maanta arko culumadii caanka ku aheyd fidinta diinta islaamka, isaga oo codsaday in dalka iyo dadka loo duceeyo, maadaama ay abaaro iyo colaado ay ku kulmeen. Sanadka soo socdo waxaa mu’tamarka 8-aad ee Ahlusunna walajamaaca lagu qaban doonaa Magaalada Stockholm ee dalka Swedan. Mashaai'khada ka soo qeb gashay oo aad u tira badayd ayaa waxaa ka mid ahaa Sweden Sheekh Cabadiraxmaan shekh Muxyidiin Celi oo ahaa hogaamiyaha kulanka Ahlusunno, Sheekh Maxamuud Cabdi Sarabiye Macallin Saciid Xassan Cilmi' Ingeriiska Sheekh Maxamed Kulmiye Sheekh Cali (Loobage) Holand Sheekh Muuse Cadde Norway Sheekh Muuse (Qoryoole)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc