Fadlan ka qayb qaado Dhismaha Masjidka Al Furqaan.

0
Tuesday January 23, 2018 - 14:18:01 in Wararka by Mucalim Muxamed Cabdullahi
  • Visits: 1765
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fadlan ka qayb qaado Dhismaha Masjidka Al Furqaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ka qeyb qaadashada dhismaha Masjidka Allah waa Sadaqo Jaariya ah, qeybaha bulshada ee degmada Howlwadaag iyo qaar ka mid ah Culumada Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay Ganacsatada iyo cid walbo oo wax heysato in ay ka qeyb qaadato dhismaha Masjidka Al -furqaan ee degmadaasi.

Masjidkan oo ka mid ah kuwa Qadiimiga ah ee ku yaalla degmadaasi Howlwadaag ayaa waxaa ka muuqdo burbur xoogan, kaas oo sababay in Masjidka uu xirmo.

Sheekh Maxamuud Aw Cabdulle Cariif oo ka mid ah Culumada Soomaaliyeed ayaa ka codsaday shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ganacsatada in ay ka qeyb qaataan dhismaha Masjidkaasi.

Dhinaciisa Sheekh Abuubakar Xasan Maalin ayaa sheegay in Ummadda Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay u soo deg degaan dhismaha Masjidka Al-furqaan ee degmada Howlwadaag.

Masjidka Al -furqaan ayaa in ka badan 40 Sano ku yaalla degmada Howlwadaag, kaas oo horay loogu aqooni jiray Masjidka Sheekh Maxamuud Aw Cabdulle Cariif.



 
Fadlan Ilaahay Dartii uga qayb qaado dhismaha Masaajidka.
Halkaan hoose ka daawo




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc