Siyaaradii Sheekh Suufi oo lagu qabtay Sweden

0
Wednesday February 07, 2018 - 02:00:57 in Wararka by Mucalim Muxamed Cabdullahi
  • Visits: 495
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaaradii Sheekh Suufi oo lagu qabtay Sweden

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Stockholm ee Caasimadda Dalka Sweden waxaa taariikhdu markey ahayd 2018-2-3 lagu qabtay Allaaha u naxariistee Siyaaradii Caalimkii Soomaaliyeed Sheekh Axmed Suufii Shacayb oo ka mid ahaa culimo udiinka Soomaaliyeed kuwooda ugu magaca dheer isla markaana taariikh iyo maamuus ku dhex leh Culimada Soomaaliyeed isagoona qayb weyn ka soo qaatay baahinta Diinta Islaamka.

 

 

Munaasabadan oo sanad kaste la qabto meelo ka mid ah Soomaaliya iyo Wadamada Caalamaka ayaaa waxaa soo agaasimay culumo u diinka soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Sweden,ayada oo ay ka soo qayb galeen dad weyne aad u tiro badan iyo culumo u diin iyo ka kala yimid gobolada Dalka Sweden.

 

Munaasadan ayaa ugu horayn waxaa lagu furfuray quraanka kariimka waxaana culumadii kasoo qayb gashay ka mid ahaa 1 Sheekh Cabdiraxaan Sheekh Muxyadiin Celi 2 Sheekh Cusmaan Xaaji Aadam 3 Sheekh Maxamuud Cabdi Sabriye 4 Sheekh Muxyadiin Aadam 5 Sheekh Muxyadiin Xirsi 6 Sheekh Muuse Xaaji waxayna halkaasi ka soo jeediyeen Muraxaadarooyin muhiim u ahaa waxaana si xeel dheet looga hadlay taariikhda Sheekh Axmed Shuufi Shacayb Rabbi ha u naxariisto. Amiin




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc