Duqa Muqdisho oo Xaflad saagootin ah u sameeyey Culimmadii ka qeyb gashay Shirweynahii Culimada.Sawiro

0
Monday April 16, 2018 - 00:45:45 in Wararka by Mucalim Muxamed Cabdullahi
  • Visits: 1471
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duqa Muqdisho oo Xaflad saagootin ah u sameeyey Culimmadii ka qeyb gashay Shirweynahii Culimada.Sawiro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

 
 

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Caasimadda Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa sheegay in marti gelinta shirka weynaha caalamiga ah ee Culummada Suufiyada oo lagu qabtay magaalada Muqdisho uu muujinayo kaalinta muhiimka ah ay u leedahay caalamka iyo sida loogu sii kalsoonaanayo.

Guddoomiyaha oo booqday Xarunta Macalin Nuur ee Magaalada Muqdisho oo marti gelisay culumada ka qeyb galay shir weynaha 7aad ee Suufiyada Caalamka ayaa sheegay in ay laf dhabar u yihiin dadaallada dib u dhiska dalka iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab.

"Magaalada Muqdisho in ay marti geliso culimmo ka socota dhowr iyo toban dal waxa ay tilmaan u tahay hor u socodkeenna iyo sida ay inoo ka go’antaahy in aan soo ceshanno kaalinta iyo maqaaamka aan ka joognay magaalooyinka kale ee Caalamka.”

Guddoomiyaha Gobolka ayaa booqashada kaddib waxa uu caawa casho sharaf u sameeyey Guddiga qaban qaabada Shirka 7aad ee Suufiyada iyo dhammaan culummadii ka qeyb gashay, isagoona kula dar daarmay in ay dar dar geliyaan dadaallada ay ku bixinayaan iftiiminta khatarta xagjirnimada iyo sida ay u marin habaabeen argagixisada Alshabaab.

"Dadka Soomaaliyeed aad ayey ugu nugul yihiin culamu-diinkooda, sidaas darteed waxaan rabnaa in aad xoojisaan kaalinta aad ku leedihiin baahinta amniga iyo nabadeynta bulshada oo labaduba udub dhexaad u ah tilmaamaha shareecada Islaamka iyo waajibaadka ina saaran.”

Casho sharafta loo sameeyey culummada ka qeyb gashay shir weynaha Suufiyada waxaa ka qeyb galay Wasiiru Dolwaha Madaxtooyada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Macalin Nuur, Xeer Ilaaliyaha Qaranka Mudane Axmed Cali Daahir, Taliyaha Ciidanka Asluubta Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, Guddoomiyaha Majmaca Culumada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad iyo masuuliyiin kale oo heer Gobol iyo heer Federaal ah.

Bye Sunnaweb
 
 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc