Ziyaaradii Sh.Axmed Suufi oo lagu qabtay Stockholm

2
Tuesday January 10, 2012 - 03:34:10 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2685
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ziyaaradii Sh.Axmed Suufi oo lagu qabtay Stockholm

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus


Waxaa magaalada Stockholm ee wadanka sweden lagu qabtay Ziyaaradii Sh.axmed Suufi ,Ziyaarada oo ahayd mid si weyn loo soo camiray ayaaa waxaa kasoo qayb galay dad weyne aad u tiro badan iyo mashaa,iqda ugu caansan Ahlusunna Waljamaaca ee qaaradda Yurub.
Ziyaarada ayaa waxaa lagu bilaabay aqriska quraanka kariimka ah oo ay aqriyeen dadkii kasoo qayb galay,sidoo kale waxaaa garab socday subaca quraanka Kariimka ah oo ay goobta ku subcinaayeen macalimiintii kasoo qayb gashay xaflada.
intaas kadib ayaa waxaa loo gudabay qaybtii muxaadarooyinka oo ay soo jeediyeen mashaa,iq kala duwan,waxaa ka mid ahaa mashaa,iqdii Ziyaarada ka hadashay caalimka weyn Sh.Muxuyadiin Xassan ayaanle oo soo jeediyey wacdi aad loo jecleystay oo uu kaga hadlay taariikhdii sheikh Axmed Suufi iyo dadka wanaagsan ee la mid ka ah halkaan ka dhageeyso muxaadaradii sh.Muxiyadiin Xassan Ayaanle.


Waxaa sidoo kale ka muxaadaro qiimo badan kasoo jeediyey Xaflada sh,Cabdiraxmaan Sh.Muxiyadiin Celi oo ka hadlay mowduuc ku saabsan daris wanaaga iyo sida loola dhaqmo dadka gaalada ah ,si loo tuso in diinta Islaamku ay tahay diin ku dhissan nabad.si ay u qaataan diinta Islaamka .
Halkaan ka dhageeyso muxaadardii Sh,Cabdiraxmaan Sh.Muxiyidiin

Waxaaa sidoo kale muxaadaro cajiib ah kasoo jeediyey Ziyaarada Sh.Cabdirisaaq Yuusuf aadan oo ku dheeraaday taariikhda shiikha la ziyaaranaayey oo uu la kulmay in badan iyo karaamaadka sheikha intuu uu ku arkay iyo intii uu ka maqlayba
waxaa sidoo kale garab socday qasaa,idka iyo Nabi ammaano aad u macaan oo ay qaadayeen maadixiintii Ziyaarada ka soo qayb gashay oo uu ka mid ahaa macalin xassan oo ka yimid Finland.
Waxaa mashaa.iqdii ka soo gayb gashay Ziyaarada ka mid ahaa
Sh.Muxiyadiin Xassan Ayaanle Stockholm Sweden.
Sh.Abdirahman Sh.Muhiyadiin Celi Gotenberg Sweden.
Sh Maxamuud Guriceel Stockholm Sweden.
Sh.abdirisaaq Yuusuf Aadan UK
Sh.Cismaab Xaaji Stockholm Swden.
Sh.Muxiyadiin Maxamed aadan Stockholm Sweden.
Sh.Maxamuud Cabdi Sabriye Stockholm Sweden
Sh.Muxiyadiin Maxmuud Xirsi Köping Swden.
Macalin maxamuud Örebro Swden.
Macalin Xassan Finldan
Macalin Siciid Stockholm Swden iyo mashaaiq kale oo badan.
Ziyaarada ayaa waxay kusoo gabangaboowday Nuur iyo Nafaxaaad.





















BY: SUNNAWEB STOCKHOLM OFFICE
EMAIL : sunnaweb@hotmail.com

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc