Siyaradii Sh.looboge oo lagu qabtay Sweden

0
Monday January 30, 2012 - 01:35:37 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2832
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaradii Sh.looboge oo lagu qabtay Sweden

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa magaalada Stockholm ee wadanka sweden lagu qabtay Ziyaaradii Sh. Loobage oo ahayd mid si weyn loo soo camiray ayaaa waxaa kasoo qayb galay dad weyne aad u tiro badan iyo mashaa,iq badan oo kamid ah Cumaa.udiin ka Ahlusunna Waljamaaca ee qaaradda Yurub.
Ziyaarada ayaa waxaa lagu bilaabay aqriska quraanka kariimka ah oo ay aqriyeen dadkii kasoo qayb galay,sidoo kale waxaaa garab socday subaca quraanka Kariimka ah oo ay goobta ku subcinaayeen macalimiintii kasoo qayb gashay xaflada.
intaas kadib ayaa waxaa loo gudabay qaybtii muxaadarooyinka oo ay soo jeediyeen mashaa,iq kala duwan,waxaa ka mid ahaa mashaa,iqdii Ziyaarada ka hadashay caalimka weyn Sh.Muxuyadiin Xassan ayaanle oo soo jeediyey wacdi aad loo jecleystay oo uu kaga hadlay sida islaamku iskub anfaco kuwa nool iyo kuwa dhintaba iyo waliba taariikhdii sheikh Loobage iyo dadka wanaagsan ee la mid ka ah
HALKAAN KA DHAGEEYSO MUXAAADARADII SH.MUXIYADIIN



Waxaaa sidoo kale muxaadaro kasoo jeediyey
Sh.Cabdirisaaq Yuusuf aadan oo ka taariikhda shiikha la ziyaaranaayey
Waxaa ayaguna kahadlay Ziyaarada Sh: Muxyadiin Maxamud Xirsi
Sh: Daahir Xaaji Cismaan.
waxaa sidoo kale garab socday qasaa,idka iyo Nabi ammaano aad u macaan oo ay qaadayeen maadixiintii Ziyaarada ka soo qayb gashay oo uu ka mid ahaa Sh: Xassan Sh: Cumar oo ka yimid Finland.

Waxaa mashaa.iqdii ka soo gayb gashay Ziyaarada ka mid ahaa
Sh.Muxiyadiin Xassan Ayaanle Stockholm Sweden.
Sh Maxamuud Guriceel Stockholm Sweden.
Sh.abdirisaaq Yuusuf Aadan UK
Sh.Cismaab Xaaji Stockholm Swden.
Sh.Muxiyadiin Maxamed aadan Stockholm Sweden.
Sh.Maxamuud Cabdi Sabriye Stockholm Sweden
Sh.Muxiyadiin Maxmuud Xirsi Köping Swden.
Sh: Xassan Sh: Cumar Filand
Macalin Siciid Stockholm Swden iyo mashaaiq kale oo badan.
Ziyaarada ayaa waxay kusoo gabangaboowday Nuur iyo Nafaxaaad.






















Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc