- Wargelin: Kitaabka Sunanu Abii Daa,uud oo uu Aqrinayo Sh.Cali Cismaan Ugaas Ayaa lasoo geliyay websiteka ka faa,iideeysi Wacan.
- Ogeysiis: Dhammaan walaalaha waxaa lagu wargelinayaa in aan soo kordhinay Android app aad ka dhagaysan kartaan Duruusta ku jirta Websiteka. hadaba si aad ula soo dagto kuqor play Storeka Sunnaweb.
- Wargelin: Kitaabka Minhaajka oo uu Aqrinayo Sh.Maxamud Cali Wacays Ayaa lasoo geliyay websiteka ka faa,iideeysi Wacan.
Ixtifaalkii Mowliidka Nabiga NNK ee ka dhacay Götenborg
Xafladan ayaa waxaa soo abaabulay culumaa’udiinka Ahlusunna waljamaaca eeSweden xafiiskooda Gothenburg, waxaana halkaasi lagu soo bandhigaymuxaadarooyin diini ah oo la xiriiray taariikhdii iyo siiradiinabigeena Muxamad NNKH, iyada oo muxaadarooyinkanaay dhex taalu ahaayeen digri salaan ay soo bandhigayeen qaar ka mid ah jameecada ahlusunna waljamaaca eeSweden.
culumaa’udiinkamuxaadarooyinka jeedinayey waxaa ka mid ahaa shiikh Muuse Cadde, Sh, Muxudiin,iyo Shiikh C/raxmaan Sh. Muxudiin, iyada oo gunaaanadkiinauu xaflada soo gunaanadayMacalin Saciidoo isaga iyo jameecadiisa ka yimid Magaalada Stockholm, waxa uuna halkaasi uga duceeyey umada Soomaaliyeed.
Ixtifaalka Nabigeena Muxamed NNKHayaa xalay waxaa loogu duceeyey dalka iyo dadka Soomaaliyeed, waxaana sidoo kale lagu habaaray kooxda Alshabaab, waxaana goobta xaflada lagu soo bandhigay su’aalo muhiim ah oo dadku ay soo weydiisanayeen culumaa’udiinka, kuwaas oo jawaabo muhiim ah laga bixiyey.
Guud ahaan xafladii lagu maamuusayey dhalashada nabigeena Muxamad NNKHayaa waxa ay ku soo gabagabowday jawi aad u wanaagsan, waxaana si gaar ah halkaasi loogu mahadceliyey dhamaan intii ak qeybqaadatay oo xoog iyo hantiba ku bixiyey qabsoomida xafladaasi.
Ixtifaalkii Mowliidka Nabiga NNK ee ka dhacay Götenborg