- Wargelin: Kitaabka Sunanu Abii Daa,uud oo uu Aqrinayo Sh.Cali Cismaan Ugaas Ayaa lasoo geliyay websiteka ka faa,iideeysi Wacan.
- Ogeysiis: Dhammaan walaalaha waxaa lagu wargelinayaa in aan soo kordhinay Android app aad ka dhagaysan kartaan Duruusta ku jirta Websiteka. hadaba si aad ula soo dagto kuqor play Storeka Sunnaweb.
- Wargelin: Kitaabka Minhaajka oo uu Aqrinayo Sh.Maxamud Cali Wacays Ayaa lasoo geliyay websiteka ka faa,iideeysi Wacan.
IXTIFAALKA MOWLIIDKA NABIGA (NNK) OO LAGU QABTAY ZAMBIA
Ixtifaalka mowlidka nabi muxamed CSW ayaa waxay ka dhacday wadanka Zambia taariikhdu ahayd 12 kii iyo 19bisahaan 02.2012taasoo kakala dhacay magaalooyinka Lusaka iyo Ndola ee dalka Zambia mowliidka suuban ee nabigeena Muxamed N.N.K
Halkaas oo dhamaanba soomaalida ku dhaqani ay si weyn uga soo qayb galeen oo ay isugu soo baxeen qaybaha kala duwan ee umada soomaliyeedee ku nool wadanka Zambia iyo ajaanibta muslimiinta ah waxaa labada xafladood ee lagukala qabtay magalooyin kaas ka qayb galay muftiga wadanka oo lagu maga caabo Asadullahi Mowlale.
Sidoo kale waxaa ka soo qeyb galayculumaa'udiin badan oo iskugu jira soomaali iyo ajaanib waxana laga xusi karaa sheikh Cabdi nuur Cabdulqadir Yusuf , Sheikh Ahmed Mohamed Ali ( garyare),Sheikh Omar Caaqib, Sheikh Caydaruus Mohamed Farax, Sheikh Mohamud Hassan Yusuf, Sheikh Abdirisaaq Husein Muuse iyo culumo aad u fara badan.
Waxaaka hadlay guurtida soomaalida iyo ganacsatada iyo isimada oo aan ka magacabi karo safiirka Somalia u fadhiyah wadanka Zambia Isma'il Mohamed Aadan iyo Suuldaan Ali Baashiiyo Chief ku xigeenka jaliyada soomaalida Abdi Abshir Warsame iyo cuqaal kale oo badan dadkaas oo dhamantood ku dheeraday wanaaga mowlidka nabigeena suuban s.w.c.
IXTIFAALKA MOWLIIDKA NABIGA (NNK) OO LAGU QABTAY ZAMBIA