Ziyaaradii Sh.Muxiyidiin Celi oo lagu qabtay Göteborg Sweden

0
Wednesday May 23, 2012 - 01:52:27 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2568
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ziyaaradii Sh.Muxiyidiin Celi oo lagu qabtay Göteborg Sweden

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa jimcihii ay taariikhda aheyd 18-May-2012 lagu Qabtay magaalada Gothenburg ee wadanka sweden siyaaradii caalimkii weynaaa Sh.Muxidiin Celi.
Siyaarada oo ay ka soo qeyb galeen dad weyne tiro badan oo ka kala yimid gobolada Sweden iyo waddamada Scandinavian-ka ayaawaxaa lagu billaabay akhriska khitmooyin Qur'aanka kariimka ah.
Qur'aanka ka dib ,waxa la guda galay Tawassulaatka iyo maddaa'ixda sheikha iyo Awliyada kale.

Waxa laga sheekeeyey Manaaqibta iyo Karaamaatka sheikha.
Sheikha dowrkiisa kuma uu koobneyn oo kaliya fidinta , diintu haba ahaatee aasaaska howsha uu ummadda u haayey.
Bale´ waxa uu dowr laxaad leh ka qaatay soo saaridda iyo horu-marinta shakhsiyad Anfac iyo Wax-tar u leh Diinta, Dadka iyo Dalka.

Xarunta Sheikha waxa ay hooy u aheyd oo ku noolaa Boqolaal Qoysas Soomaaliyeed ah.
Sheikha waxa uu ahaa Warshad.
Xarunta Sheikha waxa ay aheyd meesha kaliya ee laga heli karo Daryeel /Adeeg bulsho.
Sheikha -Raxmatullaahi Caleyhi- waxa uu ahaa mid Aragti-fog "visionary).
Waxa uu ka dhaqan galiyey Social wellfare System.

Sheikha waxa uu ku Dadaalay in Qofka Diinta baranaya uusan ka wel-welin Nolosha.
Xarunta Sheikha waxa ay aheyd meesha kaliya laga heli karay Diin, Raas iyo Reer iyo Nolol ka kaafisa qofka in uu ku dhaco wixi Allaah ka Xarrimay.
Sheikha waxa uu ka mid ahaa Mashaa'ikhda ilaah ku ilaalshay Islaamnimada Ummadda Soomaaliyeed.

Ilaahey haka Abaal mariyo Firdawsal Aclaa khidmadii uu qabtay Diinta, Dadka iyo Dalka. Aamiin. Aamiin. Aamiin Allahayow !!!
Culumadii ka hadashay munaasabada waxa ka mid ahaa;
1-Sheikh Abdullaahi Salaad Warsame "sh Abdullaahi Suuleey"
2-Sheikh Ahmad M'llim Abdullaahi Joqof.
3-Sheikh Abdlkariim Sh Omar.
4-Sheikh Cubddurraxmaan husein "Sh Ubeydurrahmaan"
5-Sheikh M'uud Ahmad "Sh Siqdh".

Waxa kaloo la oogaay Xadra.
Ugu dambeyn waxa khatimey Ziyaarada Sheikh Abdurrahmaan Sheikh Muhiadiin Eli oo u Duceeyey Khaaddimiinti soo Agaasimay Munaasabadda oo ka koobnaa Rag iyo dumar.
Wuxuu sidoo Sheikha u Duceeyey Guud ahaan ummada Muslimka ah Gaar ahaan Ummadda Soomaaliyeed.

Ziyaarada waxa ay ku soo Gaba-gabowday Nuur iyo Nafaxaad.














Waxaa Soo diyaariyey Idaaradda Ahlusuuna Waljamaaca
ee Götenburg Sweden.
By Sunnaweb Media
Stockholm Office
E.mail: sunnaweb@hotmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc