Siyaaradii Sh. Cabdulaahi Qudubi oo lagu dhigay magaalada Manchester ee wadanka UK

2
Friday June 15, 2012 - 13:37:50 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 3187
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaaradii Sh. Cabdulaahi Qudubi oo lagu dhigay magaalada Manchester ee wadanka UK

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaaradii Sh. Cabdulaahi Qudubi oo lagu dhigay magaalada Manchester ee wadanka UK


Siyaaradii shiikhii weynaa ee caalimka ahaa Sh. Cabdulaahi Macalin Yuusuf (Qudubi) oo xalay lagu soo qatimay magaalada Manchester ee wadanka ingiriiska.

Siyaaradaan ayaa ahayd mid si heersare h loo soo agaasimay waxaana ka soo qeyb galay culumo aad u farabadan oo ka kalayimid daafaha wadanka ingiriiska, ayadoo sanad walba bisha Rajab lagu dhigo wadamo badan oo ku kala yaala caalamka ayaa waxaa si gaar ah Ingiriiska loogu dhigaa magaalada Manchester oo mashaa’ikh badan lagu casumo.

Waxaa meeshaas lagu aqriyaa Qur’aanka Kariimka ayadoo loo duceeyo Caalimka weyn ee Sh. Cabdulaahi Qudubi Allaha ka raali noqdee, isla markaasna waxaa laga sheekeeyaa qisooyinkiisa iyo taariikhdii shiikha, wuxuuna caan ku ahaa fidinta diinta islaaamka wuxuuna ka mid ahaa mashaa’ikhda ugu waa weyn Ahlusunna Waljamaaca ee geeska Africa.

Qur’aan aqriska ayaa ka mid ah marka siyaarada la dhigahayo waxaana ka soo qeyb galayaasha oo dhan loo dhiibaa kutub Qur’aaan ah ayadoo loo duceeyo loona hadyeeyo Qur’aankaas.

Qu’aan aqriska ka dib waxaa dad weynaha la siiyaa cunto si heer sarre ah loo soo diyaariyay oo looga so shaqeeyay taaasoo isugu jirta qeybo badan oo kala duwan sida, hilibka, bariiska, sanbuuska, mashmashka, iyo malawaxa, subaxdiina waxaa lagu quraacdaa ruuti iyo suqaar iyo timir waxaan meesha ka maqnayn cuntooyinka fudfudud iyo cabitaanada noocooda kala duwan.

Waxaa ay siyaaradaani socotay labo maalin oo isku xigta ayadoo la bilaabay maalintii santida ahayd waxaana la soo gabagabeeyay shalay oo Axad ah bishuna ay ku beegnayd 10 June 2012.

Siyaaradaan lagu xusayay Caalimka weyn Sh. Cabdulaahi Qudubi ayaa waxaa soo agaasimay Shiikh Maxamed Rufaaci oo dagan magaalada marti galisay mashaa’ikhda faraha badan ee Manchester, UK. Sh. Rucaafi oo sanad walba sidaan oo kale siyaarada Sh. Cabdulaahi Qudibi marti galiya ayaa sanadba sanadka ka danbeeya ka sii dad badanaysa.

Magaalooyinka looga kala yimid siyaarada ayaa waxaa ka mid ah Magaalo madaxda wadanka ingriiska ee London ayadoo laga kala yimid qeybaheeda kala duwan, magaalo madaxda labaad ee wadanka Ingiriiska Birmingham, Leicester iyo magaalada lagu qabanayay ee Manchester ee isla wadankaasi Ingiriiska. Waxaanaan idiin soo koobi karin mashaa’ikhda ka kala timid daafaha wadanka Ingiriiska magacyadooda.

Waxaa la aqriyay saliga nabiga oo farabadan ayadoo si xilqo ah loo aqriyay kadibna loo duceeyay shiikh Cabdulaahi Qudibi oo ka mid ah Awliyada illahay.

Labada maalin ee siyaarada loo fadhiyay maalintii hore iyo habaynkeeda waxaa la oogay Xadrada Zayliciyada oo Shiikh Cabdulaahi Qudubi uu aad u yiqiinay gaar ahaan Qudubiyada oo asaga loogu magac daray taasoo ka wasin duwan Zayliciyada inteeda kale.

Waxaa muxaadarooyin ka soo jeediyay mashaa’ikh farabadan waxaaana ka mid ahaa Sh. Axmed Cali Jaamac oo ka yimid magaalada Leicester ee wadanka Ingiriiska asagoo muxaadaro aad u qiimo iyo qiiro badan halkaas ka soo jeediyay, sidoo kale waxaa asna halkaas ka soo jeediyay muxaadaro ku saabsan siyaarada Sh. Maxamed Cabaas oo ah shiikh da’yar kana yimid magaalada London iyo culumo kale oo farabadan.

Waxaa meeshaas isku marxabeeyay culumadii ka soo qeyb gashay siyaarada oo ka kala yimid gobalo kala duwan qaaarkoodka mudo dheer ay isugu danbeesay, waxaana laga dheehanayay wajiyadooda farxad iyo midba midka kale oo u hanbalyeenayo.

Ugu danbeentiina waxaa duceeyay shiikh Maxamed Rufaaci oo ahaa shiikha soo qabanqaabiyay asaga iyo asxaabtiisa reer Manchester waxaana lagu qabtay masaa’ijka Ahlusunna Waljamaaca oo lagu magacaabo Arrahma Masjid, waaana masaajidkii ugu horeeyaay oo culumada Ahlusunna Ay si tooska u gadatay gacantoodaana ku jira.

Shiikh Maxamed Rufaaci ayaa ahaa shiikha mahad ha ka gaartee sababta u ahaa soo abaabulka siyaaradaan waxaana illahay ka rajeenaynaa in uu cimrigiisa illahay dheereeyo.

Siyaaradii ayaa ku soo gabagaboowday ruun iyo nafaxaad aan la soo koobi karin ayadoo la isugu duceeyay sanadkaan sanadkiisa kale in illahay soomaaliya cadawga ka dulqaaado nabad galyana illahay nooga dhigo



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc