Mu.tamarkii 8aad ee Ahlusunna oo lasoo gabagabeeyey

2
Wednesday June 27, 2012 - 02:01:12 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 5107
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mu.tamarkii 8aad ee Ahlusunna oo lasoo gabagabeeyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa si rasmi ah loo soo gunaanaday Maalinimadii axada ahayd ee 3 Shacbaan 14 33 kunabeegneed 24 kii Juun 2012 Mu,tamar diimeedkii Xagaaga ee Culumaa,udiinka Ahlusunna Waljamaaca ee Scandinevianka iyo uk.

Mu!tamarka xagaaga Sanadkaan 2012 ayaa lagu qabtay wadanka Sweden gaar ahaan Stockholm
Mutamarkii 8 aad ee Culumaa,udiinka Ahlusunna Waljamaaca oo lagu qabtay magaalada Stockholm ee dalka Sweden iyada oo ay sooxaadireen goobta dadweyne aad u fara badan iyo ulimaaudiin caan ka ah bulshada dhexdeeda kuwaas oo ka kala yimid Uk, Danmark, Sweden, Norway, iyo Holland.



Mu,tamar kaan oo ah midkii 8 aad ayaa Ciwaankiisu ahaa (Toosnaanta)
Mutamarka sanadkan ayaa waxaa soo qabanqaabiyey Jamaacadda
Ahlusunna wal-jamaaca ee Stockholm Sweden.

Mu’tamarkaan waxaa 7 Sano oo lasoo dhaafay laguqabtay Göteborg caasimada labaad ee Sweden
Meesha Sanadkaan la.iskuraacay inlagu qabto magaala madaxda Swedeb ee Stockholm.
Mu'tamarkii 8-aad ee Culimaa'diinka Ahlusunna Waljamaaca ee ka socday magaalada Stockholm ee caasimada Dalka Sweden ayaa Axadii la soo gabagabeeyey, iyada oo labadii cesho ee uu socday ay soo xaadireen boqolaal dadweyne ah kuwaas oo dhageysanayey muxaadarooyin diini ah oo ay soo jeedinayeen culumaa'diin Soomaaliyeed oo ka kala yimid qaar ka mid ah dalalka Yurub.

Culumada ka soo qeyb gashay Mutamarka Sanadkan waxay kala yihiin.

1:Sh Muxyadiin Xassan Ayaanle Sweden
2:Sh Axmed Fanax Uk
3:Sh Cabdulaahi Warsame Sweden
4:Sh C/Raxman Sh Muxyadiin Sweden
5:Sh Cusman Xaaji Sweden
6:Sh Axmed C/Karim Norge
7:Sh Muuse Xaaji Adan Norge
8:Sh Cali Loobage Uk
9:Sh Haadi Mahdi Sweden
10:Sh Muxyadiin Maxamed Sweden
11:Sh Daahir Xaaji Xassan Sweden
12:Sh Muuse Cadde Holland
13:Sh Cabaas Sheekh Cabdi Danmark
Mu’tamarka ayaa waxaa furay Macalim Siciid Xassan Cilmi oo oo ah hugaanka Jamaacada Stockholm.
Gunaanadka Mu'tamarkan ayaa si wada jir ah Culimaa'udiinkii ka soo qeybgalay waxa ay soo saareen bayaan, ka koobnaa toban qodob kuwaas oo u qornaa sidatan

1:Waxaan umada Soomaaliyeed uga digeynaa ficilada xagjirnimada, ee umada soomaaliyeed lagu haayo. taas oo ay ugu horeyso madhabka wahaabiisimka iyo inta xagjirnimada kale ah.

2:Waxaan ka codsaneynaa odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, anaga oo ah culumaaudiinka ahlusunna waljamaaca, dadka ay soo xulaayaan in ay ahaadaan dad lagu kalsoon yahay diintooda, aqoontooda, iyo dadnimadooda, ayna dareemaan mas'uudliyadda saaran.

3:Culumada ahlusnna waljamaaca waxa ay u mahadcelinayaan dowladda Turkiga oo caawisay umadda Soomaaliyeed, lana garab istaagtay taakuleynt.

4: In umadda Soomaaliyeed ay aqoonsato doorkii taariikhiga ahaa ee ay ku lulaahyeen culimada bulshada soomaaliyeed dhexdeeda, lana soo celinayo hogaaminta umadda.

5:Waxaan u mahadcelineynaa dhamaan dowladihii caawiyey, umadda Soommaaliyeed kuna so dhaweeyey wadamadooda.


6:Waxaan mahad naq balaaran u jeedineynaa ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed kuwa ahlusunna waljamaaca, iyo Amisom, doorkii sharafta lahaa oo ay ahaa ka saarida argagixisada.

7:waxaan ugu baaqeynaa umadda Soomaaliyeed, in la soo celiyo manhajkii waxbarashada ee hore ee Dowladda Somaliyeed lagana ilaaliyo manaahijta xagjirka ah.

8: waxaan dadweynaha Soomaaliyeed u soo jeedineynaa in ay la shaqeeyaan hay'adaha amniga ee Soomaaliyeed oo aysan qarsan dadka wada falalka wax dhibaateynaya.

9: Culimada ahlusuuna waxaan u soo jeedineynaa in aan lagu kala qeybin tacasubka qabiilo iyo mid dariiqo.

10: Dowladda Soomaaliyeed waxaan ugu baaqeynaa in aynaan u aqoonsan koox yar oo Soomaalida ka mid ah in ay matalaan culumada soomaaliyeed.
Mutamarka ayaa sanadkaa intabadan waxaa diirada lagusaaray Arimahaan hoos ku qoran.



Muxaadaraadka culumada ay ka jeediyeen Mutamarka waxaad kaga bogan doontaan sunnaweb.com

Fiiro gaar ah Gudiga qabanqaabda Muctamarka wuxuu ka raali gelinayaa dadweynihii ay goobtu ka buuxsantay ee dibeda taagnaaa mudada dheer waad ku mahadsantihiin kasoo qaybgalkiina

By sunnaweb.com
stockholm Office
E-mail sunnaweb@hotmail.com
















Jameecada Stockholm oo dikri salaan qabanaaya

Jameecada Götenbog oo dikri salaan qaadaaya








Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc