Ogeysiis:
- Wargelin: Kitaabka Sunanu Abii Daa,uud oo uu Aqrinayo Sh.Cali Cismaan Ugaas Ayaa lasoo geliyay websiteka ka faa,iideeysi Wacan.
- Ogeysiis: Dhammaan walaalaha waxaa lagu wargelinayaa in aan soo kordhinay Android app aad ka dhagaysan kartaan Duruusta ku jirta Websiteka. hadaba si aad ula soo dagto kuqor play Storeka Sunnaweb.
- Wargelin: Kitaabka Minhaajka oo uu Aqrinayo Sh.Maxamud Cali Wacays Ayaa lasoo geliyay websiteka ka faa,iideeysi Wacan.
Siyaaradii Sh.Cabdulqaadir Jilaani oo lagu qabtay Stockholm
Waxaa Magaalada Stockholm ee wadanka Sweden Hamiinkii Sabtida ahayd ka dhacday siyaaradii Sheekh Cabdulqaadir Jiilaani .
Siyaarada oo Sanad walba ka dhacda Daafaha caalamka Gaar ahaan Wadanka Sweden ayaa waxaa sanadkaan si weyn uga soo qeyb galay Mashaa,ikh waaweyn oofarabadan.
Siyaarada ayaa waxaa looga kala yimid Daafaha Magaalada Stockholm Siyaarada ayaa waxaa lagu Furay Qur,aanka Kariimka ah iyo waliba Muxadarooyin Diini ah halkaasi looga soo jeedinayay Dhamaan dadkii ka soo qeyb galay.
dadkii ka soo qeyb galay oo isugu jiray Culumo,Odayaal ,Dhalin yaro,Haween iyo Caruur ayaa waxaa dhamantood ay aad ugu faraxsanyeen habka ay usocotay Siyaaradu ayada oo sidoo kale laga aqriyay meesha Taariiqda Sheekh Cabdulqaadir.
Waxayna Siyaaradu xalay saqdii dhaxe ku soo idlaatay jawi farxadeed waxaana culumada halkaasi isugu yimid ay u duceyeen dhamaan Umadaha islaamka ayaga oo gaar haan u duceeyay umada soomaaliyeen iyo Dadkii Siyaarada u istaagay in ay dhigaan ayada oo Khitaamkana lagu soo xiray siyaarada Qasiidooyin aad umacanaa.
Siyaaraadaan oo ahayd mid ay ka muuqatay bilic ayaa waxaa ay ku soo gabagaboowday nuur iyo nafaxaad.
Fiiro gaar ah Hadii Alle Idmo waxaan idiin soo gudbin doonaa Taariiqda sheekha oo ah maqal iyo muuqaal waxaana soo jeediyay Sh Muxyadiin Xassan Ayaanle
Xafiiska Sunnaweb Sockholm:
E-mail: Sunnaweb@hotmail.com
Siyaaradii Sh.Cabdulqaadir Jilaani oo lagu qabtay Stockholm