Tartan AQooneed diini ah oo lagu Qabtay Stockholm 1310-2013

0
Thursday October 17, 2013 - 15:20:40 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 6446
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tartan AQooneed diini ah oo lagu Qabtay Stockholm 1310-2013

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tartan lagu Maamuusayay bisha barakeysan ee Xajka ayaa ka dhacday Hoolka Shirarka Tensta Träff ee Xaafada Tensta Stockholm Sweden.


Tartankaan ayaa dhexmaray ardey ka kala socotay Labada Dugsi Qur’aan Al Xikma iyo Ahlusunna-kuran Skola.


Xaflada waxaa kasoo qeeb galay dad weyne badan oo iskugu jira qeebaha kala duwan ee Bulshada Reer Sweden gaar ahaan Reer Stockholm sida waalidiintii ilmaha dhalay, Culuma,udiinka Ahlusunna Waljamaaca,Aqoon Yahano.Odayaal. Dhalinyaro, Haween iyo waliba dugsiyada Qur,anka ee kuyaala xaafada tartanku kadhacay.


Munaasabada waxaa lagu daah furey Aayadaha Qur,anka kariimka ah ee kadibna waxaa Muxaadaro aad uqiimi badan kana turjumaysay ahmiyada ay leeyihiin Xafladaan oo kale halkaa kasoo jeediayay Sh Mahamed Mucalim Saciid kadibna Tartan adag ayaa oo iskugu jirey su,aalo kusaabsan Xajka & Qur,anka Kariimka ah Ayaa bilowday.

Xaflada waxaa kahadlay macalimiintii dugsiyada,qaar ka mid ah hooyooyinkii iyo waliba Wakiilka Shirkada Hodan Globel Online Mudame Cali Salad Ahmed Danan oo iyagu gacan kagaystay suura galinta Tartanka.


Ugu danbayntii Xaflada abaal marin waxaa lagu gudoonsiiyey ardayda Madarasada Al Xikma Hadiyado qaali ah oo Iskugu jirey Koob iyo lacag ku waas oo Ayaga Guushu raacday.












Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc