Siyaaradii FiQi Cummar iyo Owlaadiisa oo Lagu Qabtay Stockholm Sweden

0
Monday February 10, 2014 - 00:03:20 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2607
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaaradii FiQi Cummar iyo Owlaadiisa oo Lagu Qabtay Stockholm Sweden

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus





Waxaa Magaalada Stockholm ee wadanka Sweden Malintii shalay ahayd ka dhacday siyaaradii Fiqi Cummar iyo Owlaadiisii oo ay ka midyihiin sheekh Loobage iyo Sheekh Qudub Siyaarada oo Sanad walba ka dhacda Daafaha Caalamka Gaar ahaan Ubadka Fiqi Cumar ee ku dhaqan wadanka Sweden ayaa waxaa Sanadkaan si weyn uga soo qeyb galay Mashaa,ikh waaweyn oo farabadan.



Siyaarada ayaa waxaa looga kala Daafaha Magaalada Stockholm iyo waliba Gobolada iyo Norway Xaflada oo habeynkii Jimcaha ahayd Bilaabatay ayaa waxaa Culumada ku Subciyeen Qur,aanka Kariimka ah ayada oo sidoo kale Qasidooyin iyo waliba Muxadarooyin Diini ah halkaasi looga soo jeedinayay Dhamaan dadkii ka soo qeyb galay.

dadkii ka soo qeyb galay oo isugu jiray Culumo,Odayaal ,Dhalin yaro,Haween iyo Caruur ayaa waxaa dhamantood ay aad ugu faraxsanyeen habka ay culumadu uga haqab tireyso Diinta ayada oo sidoo kale culumada halkaasi isugu timid bulshadii nasiibka u yelatay in ay Siyaarada ka soo qeyb gasho Uga shekeeyay Doorkii Caalamka weyn Sheekh Loobage uu Diinta islaamka Garsiinteeda Bulshda soomaaliyeed uu ka Qaatay.


Sheekh Loobage ayaa ahaa sheekha dhamaan dhulka soomaaliya laga tix galyo ayada oo Dacwada islaamka ka fidin jiray Guud ahaan dalka soomaaliyeed waxaana siikha allaha u naxariistee uu Kaalin libaax leh uu u galiy Naftiisa Fidinta diinta islamka.

Waxaana Habkii uu diinta islaamka ugu fidiyay dalka soomaaliya ay ka dhigtay shiikha mid si weyn ay jiil walba jiilka ka sii danbeeya ay u Garanayaan Tariikhdiisa Wanagsaneed ayada oo shiikhu iminka ku aasan yahay Gobolada wuqooyi Galbeed ee la magac baxay soomaaliland.

Waxaana Siyaarada xalay saqdii dhaxe ku soo idlaatay jawi farxadeed waxaana culumada halkaasi isugu yimid ay u duceyeen dhamaan Umadaha islaamka ayaga oo gaar haan u duceeyay umada soomaaliyeen iyo Dadkii Siyaarada sheekha u istaagay in ay dhigaan ayada oo Khitaamkana lagu soo xiray siyaarada Qasiidooyin aad umacanaa.


Xafiiska Sunnaweb Sockholm:
E-mail: Sunnaweb@hotmail.com



























Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc