Sh.Abuukar Xassan Maalin oo u mahad celiyey sunnaweb iyo dadkii ka qayb qaatay dhismaha masjidka Akram.Sawiro iyo cod

0
Sunday April 13, 2014 - 22:49:02 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 4657
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sh.Abuukar Xassan Maalin oo u mahad celiyey sunnaweb iyo dadkii ka qayb qaatay dhismaha masjidka Akram.Sawiro iyo cod

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ku dhawaad 5 bilood oo uu sacday dhismaha masjid akram ayaa soo gaba gabooyay iyadoo salaadii jimce lagu tukaday maalintii jimcaha aheyd.

Sheikh abuukar xasan maalin oo ahaa gudoomiyihii gudigii dhismaha masjidka ayaa u mahad celiyay dhamaan dadkii ka qeyb qaatay dhismaha masjid akram.

Sidoo kale sheekha ayaa mahad balaaran u jeediyay shabakada diiniga ah ee sunnaweb.com doorkii ay ka qaadatay dhismaha masjidka.


Sheikh abuukar ayaa intaa ku daray in masjidka uu wali u baahan kaalmo dhaqaale si gacanta loogu hayo maamulka masjidka qeybaha kala duwan sida korontada iyo xanaaneynta masjidka.

Dhameytirka dhismaha masjidka ayaa u dhamaaday si wanaagsan basle wali waxaa u dhiman qeyb maktab ah oo dadka cilmiga baranaya ay wax ku aqristaan isagoona sheikh abuukar ugu baaqay bulshada qeyrka jecel in ay qeyb ka qaataan maktabada oo la dhigi doono kutubada kala Tafsiir-ka, Axaadiista kale duwan, Sharaxa Naxwaha, dhammaan kutubtaas ayay soo xurmeyn karaan dadka doonaya in ay ka qeyb qaataan maktabada.
Wixii faah faahin ah kala xiriir sheikh abuukar xasan maalin Tel:+252615586187.


W/Q: Mohamed Ahmed Halane
XAFIISKA SUNNAWEB MUQDISHO
E.Mail.sunnaweb@hotmail.com




























Fiiro gaar ah Muuqaaladaan hoose waa muuqaaladii aan baahinay waqtigii uu biloowday dhismaha Masaajidka.








Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc