Xafladdii ugu balaarneyd ee Mowlidka Nabiga NNK ee ka dhacda qaaradda yurub oo lagu qabtay Stockholm

0
Tuesday December 30, 2014 - 11:27:11 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 3754
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xafladdii ugu balaarneyd ee Mowlidka Nabiga NNK ee ka dhacda qaaradda yurub oo lagu qabtay Stockholm

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa magaalada Stockholm ee caasimadda wadanka Sweden lagu qabtay Munaasabad lagu weyneenayo dhalashada Suubanaheeni Maxamed (NNKH).
Xafladdaan oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay ayna kasoo qayb galeen dhammaan qaybaha bulshada ayaa waxaa sanad walba soo qabanqaabiya culimaa,udiinka Ahlusunna Waljamaaca ee magaalada Stockholm.
Xafladda oo ay kas oo qayb galeen Mashaa.iq ka kala duwan ayaa waxaa ka mid ahaa culimadii muxaadaraadka ka jeedisay goobta
Sh.Saalax Mucalim Cabdullaahi oo ka yimid wadanka mareykanka
Sh.Abdirahman Sh:Muhyidiin Celi oo ka yimid Göteborg Sweden
Sh.Yaasiin oo Ka yimid Ludvika Sweden
Sh.Cali raage oo kayimid Köping Sweden
Sh.Daahir Xaaji oo ka yimid Stockholm Sweden
Sh.Muxyidiin M:aadan oo ka yimid Stockholm Sweden
Sh.Cismaan Xaaji oo ka yimid Stockholm Sweden
Macalin Maxamuud oo ka yimid Örebro.
DR.Sh.Da oo ka yimid Stockholm Sweden
Sh.Abuukar Xassan Maalin oo kaga qayb qaatay Khadka taleefanka Muqdisho
waxaa sidoo kale garab socday muxaadaraadka qasaa.id ay qaadayeen maadixiintii kasoo qayb gashay xafladda.
Xafladdaan oo ahayd mid ay ka muuqatay bilic ayaa waxaa ay ku soo gabagaboowday nuur iyo nafaxaat.


Fiiro Gaar ah.Gudiga qabanqaabada Xafladdu waxay ka raali gelinayaan walaalihii uu ka buuxsamay hoolku mudada dheerna taagnaa dibadda. waxaan ALLAH idinkaga baryeeynaa in uu Miisaanka Xasanaadka idinkugu daro,waana ku mahadsantihiin kasoo qayb galkiina walaalayaal.

Shabakadda Sunnaweb.com waxay idiin soo gudbin doontaa dhammaan muxaadaraadkii goobta ay kasoo jeediyeen mashaa.iqdu. insha ALLAH. maqal iyo muuqaal intaba.
BY.Sunnaweb.com
Xafiiska Stockholm
E.mail; sunnaweb@hotmail.com












































Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc