Ixtifaalkii Mowliidka Nabiga NNK e ka dhacay Birmingham

0
Monday February 06, 2012 - 21:59:02 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2232
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ixtifaalkii Mowliidka Nabiga NNK e ka dhacay Birmingham

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Birmingham ee wadanka ingiriiska ayaa waxaa ka dhacay habaynkii Axada ahayd ixtifaalka Nabi Muxamed CSW taasoo ahayd mid si heer sarre ah loo soo agaasimay mudana la sugayay waxayna ka dhacday hoolka weyn ee Regents Park kuna yaala Xaafada Small Heath oo ah xaafada ay soomaalidu ugu badantahay.

Ixtifaalkaan lagu weeneenayay dhalashada Nabi Muxamed CSW ayaa waxaa soo agaasimay Culumaa'udiinka magaalada Birmingham sidoo kale waxaa ka qeyb qaatay culumada magaalada Leicester iyo London iyo waliba muslimiin ajaanib ah oo ka kala yimid magaalada Leicester iyo Birmingham.

Waxaa ka soo qeyb galay dad aad u farabadan oo ka kala yimid gudaha magaalada Birmingham iyo daafaheedaba waxaana ka soo qeyb galay culumo farabadan ku waas oo Muxaadarooyin aad u qaymo badan ka soo jeediyay waxayna kala ahaayeen:-

  1. Sh. Axmed Jaamac Cali ( Sh. Fanax) From Leicester UK
  2. Sh. Cali Al-shaadaliyi From Leicester UK English Speaker
  3. Sh. Cali Maxamed Sh. ( Sh. Cali Loobogay) From London Uk
  4. Macalin Maxamuud From London UK
  5. Sh. C/nuur Geele From London UK
  6. Sh. Caydaruus Sh. Maxamuud From Birmingha Uk
  7. Sh. Aadan Qanyare From Birmingham UK.
  8. Macalin Nuur Cumar From Birmingham UK iyo Culumo kale oo farabana oo meeshaan lagu soo koobi karin.
Waxaa lagu furay Qur'aanka kariimka ah oo uu aqriyay Macalin ka socday Madrasada Qur'aanka kariimka ee Al-amanah ee ku taala magaalada Birmingham Macalin Nuur Cumar, kadib waxaa la wareegay Sh. Caydaruus Sh. Maxamuud oo ahaa culumada soo agaasimay ixtifaalkaan, waxaa laga soo jeediyay muxaaradooyin kala duwan oo ku aadanaa munaasabadaan lagu weeneenayay Dhalashada Nabi Muxamed CSW iyo siiradiisa isla markaasna lagu duceeystay.


Waa markii ugu horeesay oo ixtifaal si dan oo kale ah ay ku qabtan jaaliyada Soomaalida ayadoo sanad walba ay ka dhacday soo dhaweeynta Nabi Muxamed CSW magalada Birmingham taas oo ay qabtaan muslimiinta Soomaalida aan ahayn laakiin midaan waa markii ugu horeesay waxaana la go'aan saday in mar walba sidaa iyo si ka sii fiican loogu qabto magaaladaan Birmingham.


Ixtifaalkaas ayaa ku dhamaaday si wanaagsan ayadoo loogu duceeyay wadanka Soomaaliya in illahay cadawga ka dul qaado isla markasna uu noqdo wadan nabadeed sidoo kale waxaa loogu duceeyay culumadii soo agaasintay iyo intii kaloo ka qeyb qaadatay.

Mowlid Farah Birmingham UK





















Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc