Ixtifaalkii Dhalashada Nabiga NNK oo lagu qabtay Holland

0
Monday February 20, 2012 - 01:18:19 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2237
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ixtifaalkii Dhalashada Nabiga NNK oo lagu qabtay Holland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

XAFLAD BALAARAN OO LAGU WAYNAYNAYO DHALASHADA NABI MUXAMMED NNKH OO KA DHACDAY MAGAALADA DEN HAAG EE DALKA HOLLAND:


Munaasab ballaaran oo lagu xusayey laguna waynaynayey dhalashada nabiga NNKH ayaa wxaa ay ka dhacday magaalada Denhaag ee dalka Holland.

Ayadoo ay dhamaan daafaha aduunka ay ka dhaceen munaasabdo sidaan oo kale ah oo lagu waynaynayo dhalasha mowliidka ayaa tii ugu danbaysay waxa ay ka qabsoontay dalka Holland.


Xafladaasi oo siwayn loo soo agaasimay ayaa waxa ka soo qeybgalay culumaaudiinka, aqoonyahanada, dhalinyarada, haweenka, waxgaradka iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee bulsho waynta soomaaliyeed ee dalkaan ku nool.
Markii ay munaasabadaasi bilaabmatay waxaa si talantaali ah u bilaabmay muxadarooyin diini, nabbi amaanno iyo waliba digriyo ay qaadayeen culumaaudiinkii halkaasi ka soo qeybgalay.

Muxaadarooyinka oo u badnaa siiradii nabigeenna NNKH, jaceelka nabiga NNKH, ayaa culumaaudiinkii ka soo qeybgalay waxaa ka mid ahaa shiikh Bashiir Cabdi Cali iyo shiikh Abiikar, shiikh Sacid Cabduilaahi, shiikh Axmed Gaas, shiikh Axmed Deeq. Sh. Maxamed Xuseen.


Culumaaudiinka ayaa waxa ay si wayn uga hadlayn fadliga ay leedahay maalintaan oo kale iyo waliba bsiha mowliid. Bishaan oo ah bishii nabigeenna NNKH ifka la keeney. Ayadoo ay tahay in si wayn loo qadariyo loona wayneeyo loogana sheekeeyo siiradii nabigeenna NNKH.

Waxaa xusid mudan in ay maanta u ahayd maalin farxadeed dhamaan bulsho waynta Soomalaiyeed een dalkaan ku nool isla markaana ay farxada la wadagayaan dhamanaa umada Islaamka ee ku nool caalamka oo dhan.
Dhinaca kale waxaa munaasabado iyo waliba xaflado lagu waynaynayo nabiga SCW ey ka dhaceen magaalooyin kale oo dalka Holland ka tirsan ayadoo ay dadku iskugu hanbalyeynayeen dhalasha suubanhooda NNKH.


Waxaa xusid mudan in ay munasabadaani ay siwayn u soo qabanqabiyeen masuuliyiin ay kamid jihiin:

1.Shiikh Jowhar

2.Mudane Maxamed Muuse

3.Ing. Ali khaliif

4.Md Cabdiwali Axmed Diiriye

5.Maxamed Axmed(Fiyaad)

6.Abdihakiim Abdi Ismaaciil

7.Mudane Mahdi Maxamed


Isku soo wadaduuboo munasabadaasi oo aad u balaarneed socotaynay in kabadan 6 saacadood ayaa waxa ay ku soo dhamaatay jawi aad u wayn oo ay farxadi ku dheehantahay.
Ugu danbaytiina waxaa halkaasi shir gaara ku yeeshay guddigii qabanqaabada mowliidka nabiga NNKH ayagoo isla shirkaas uga dhawaaqay guddi ka kooban 3 xubnood oo soo diyaarindoonaa munaasabadaha iyo kulama diiniga ah soona odarasi doona.


W/Q: Axmed Mahdi(Axmed Khadar)
Email:axmedmbc@hotmail.com


























Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc