Siyaradii Sh Cabdalle iyo Sh Cawarere oo Lagu qabtay Stockholm Sweden 14-122013

1
Monday December 16, 2013 - 09:47:30 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2625
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaradii Sh Cabdalle iyo Sh Cawarere oo Lagu qabtay Stockholm Sweden 14-122013

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus



Waxaa Magaalada Stockholm ee Wadanka Sweden Malintii Sabtida ahayd ka dhacday siyaaradii Sheekh Cabdale iyo Sheekh Cawareere Siyaarada oo Sanad walba ka dhacda Daafaha caalamka Gaar ahaan Wadanka Sweden ayaa waxaa Sanadkaan si weyn uga soo qeyb galay Mashaa,ikh waaweyn oo farabadan.

Siyaarada ayaa waxaa looga kala yimid Daafaha Magaalada Stockholm iyo waliba Gobolada Xaflada oo Malintii Sabtida ahayd Bilaabatay ayaa waxaa Lasoo idleeyay Saqdiidhexe.


dadkii ka soo qeyb galay oo isugu jiray Culumo,Odayaal ,Dhalin yaro,Haween iyo Caruur ayaa waxaa dhamantood ay aad ugu faraxsanyeen habka ay culumadu uga haqab tireyso Diinta ayada oo sidoo kale culumada halkaasi isugu timid bulshadii nasiibka u yelatay in ay Siyaarada ka soo qeyb gasho Uga shekeeyay mahiimaha ay leedahay dadka Wanaagsan inlagu xirnaado.

Waxaana Siyaarada xalay saqdii dhaxe ku soo idlaatay jawi farxadeed waxaana culumada halkaasi isugu yimid ay u duceyeen dhamaan Umadaha islaamka ayaga oo gaar haan u duceeyay umada soomaaliyeen iyo Dadkii Siyaarada u istaagay in ay dhigaan ayada oo Khitaamkana lagu soo xiray siyaarada Qasiidooyin aad umacanaa.

Siyaaraadaan oo ahayd mid ay ka muuqatay bilic ayaa waxaa ay ku soo gabagaboowday nuur iyo nafaxaad.
Fiiro Gaar ah waxaan idiisoo gubin doonaa hadii Alle idmo dhamaan Muxaadarooyinkii iyo Dikriyadii.

Xafiiska Sunnaweb Sockholm:
E-mail: Sunnaweb@hotmail.com





















Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc