Shir weynihii 10-aad ee Ahlusunna Waljamaaca oo lagu qabtay Stockholm Swenden 2015

0
Monday August 03, 2015 - 23:19:52 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 4102
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shir weynihii 10-aad ee Ahlusunna Waljamaaca oo lagu qabtay Stockholm Swenden 2015

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus





Waxaa si rasmi ah loo soo gunaanaday Maalinimadii Axada ahayd ee 16 Shawaal 14 36 Sanadka Hijriga kunabeegneed 02-dii Aug 2015 Mu,tamar diimeedkii Xagaaga ee Culumaa,udiinka Ahlusunna Waljamaaca ee Qaarada Yurub.


Mu!tamarka Xagaaga Sanadkaan 2015 ayaa lagu qabtay Wadanka Sweden gaar ahaan Stockholm.
Mutamarkii 10-aad ee Culumaa,udiinka Ahlusunna Waljamaaca oo lagu qabtay Magaalada Stockholm ee Dalka Sweden iyada oo ay sooxaadireen goobta dadweyne aad u fara badan iyo Culimaa,udiin Caan ka ah bulshada dhexdooda kuwaas oo ka kala yimid Danmark, Sweden, Norway,finland iyo Holland.

Mu,tamar kaan oo ah midkii 10-aad ayaa Ciwaankiisu ahaa Diinta Islaamka waa Nabadgalyo.

Qayb kamid ah Ciwaanada MuxaadarooyinkaMutamarkii 10-aad ee Culumaa,udiinka Ahlusunna Waljamaaca.

الإِسْلامُ دِيْنٌ السَلام
التطرف والغلو باسم الدين وآثاره
عليك بالجليس الصالح
اهمية الصلاة وعقوبة تاركها
تصحيح فهم شباب المسلمين
فضل بر الوالدين
فضل ذكر الله وثوابه

Gunaanadka Mu'tamarka ayaa si wada jir ah Culimaa'udiinkii ka soo qeybgalay waxa ay soo saareen bayaan, ka koobnaa Afar qodob kuwaas oo u qornaa Sidatan.

-Bayaan: Go’aamadii Mu,tamarkii Culimada Ahlusunna Waljamaaca Stockholm —Sweden.01-02 Augusta 2015Ù…-15-16- شوال 14:36هـ

:Waxaan ugu Baaqeynaa Dowladda Federal-ka Soomaaliya in ay dib u Soo Celiso Manhajki Wax-barashada iyo Bar-baarinta ee ay Soomaliya Laheyd ka Hor Bur-burka iyo Dagaallada Sokeeye, Lagana Bad-baadiyo isla Markaasna laga ilaaliyo Ummadda Manaahijta Takfiiriga ah ee ay ka Dhasheen Kooxo Diimeedyada Hubeysan ee ay ka Mid tahay Argagixisada Al-shabaab sababtoo ah Calooli Waxay ku bukatay Laguma daweeyo.

:Waxaan ugu Baaqeynaa Dowladda Federal-ka Soomaaliya in ay Aqoonsato Dowrki Wanaagsanaa ee ay Ahlusunnah ka soo Qaadatay la Dagaallanka Argagixisada. Waxaan Sidoo Kale ugu Baaqeynaa Ahlusunnah Wal-jamaacah in ay Maqlaan oo Qaataan Nabadda Loogu Baaqayo.

:Waxaan ugu Baaqeynaa Ummadda Soomaaliyeed in ay ka Fogaadaan Tafaraaruqa iyo in aan Nidaamka Federal-iga ahna aan Loo Adeegsan Kala Qeybinta Ummadda Soomaaliyeed.

:Waxaan Ugu Baaqeynaa Ummadda Soomaaliyeed in ay La Shaqeeyaan Hey'adaha ka Shaqeeya Ammaankooda si' ay Uga Bad-baadaan Hagardaamooyinka Argagixisada.

والله الموفق والهادي إلى سواء السبيل
وآخر دعوانا أن الحمد لله رب العالمين













































Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc