Siyaaradii Sh Ahmed Sufi oo lagu qabtay Stockholm

0
Monday January 30, 2017 - 13:36:15 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 3225
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaaradii Sh Ahmed Sufi oo lagu qabtay Stockholm

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa Magaalada Stockholm ee Caasimadda Dalka Sweden Taariikhdu markey aheyd 2017-01-28 lagu dhigay Allaha unaxariistee Siyaaradii Sheekh Axmed Suufi Shuceyb oo ka mid ahaa Culimada Soomaaliyeed isla markaana ahaa Sheekh si weyn looga yaaqaan Dalka Soomaaliya.

Munaasad si weyn loo soo agaasimey oo loogu ducaynayay Sheekh Axmed Suufi Shuceyb oo Xijaabtay Sanadkii 1997 dii ayna ka soo qeyb galeeb Mashaa’ikh, Culimo udiin , waxgrad iyo dad weyne kale oo fara badan ayaa lagu qabtay a Xaafada Soomaalidu u badan tahay ee Tenesta ee Magaalada Stockholm ee Dalka Sweden.

Siyaaradaan lagu xusyay Sheekh Axmed Suufi Shuceyb ayaa waxaa soo abaabulay isla markaana isku soo duba riday Culima udiinka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Stockholm, gaar ahaan waxaa qaban qaabdeeda iska la haa Sheekh C/raxiim Xaashi oo isagu sanad walaba isku xilqaama dhigitaanka Siyaarada Sheekh Axmed Suufi oo Sanadkiiba mar lagu qabto Magaalada Stockholm.

Hadii aan wax yar iska xusuuno waxyaabaha lagu xusuusto Allaha unaxariistee Sheekh Axmed Suufi Shuceyb ayaa waxaa ka mid ahaa inuu dhisay 114 masaajid oo ku yaalla inta badan Magaalooyinka Dalka Soomaaliya, wuxuu kaloo hirgaliyay Mowlacyo aan cadad lahayn oo aad u badan, kuwaasi oo isgu jira kuwa lagu barto Quraanka iyo kuwa Waqaf ah.



Xafiiska Stockholm Sweden
E-amil: sunnaweb@hotmai














Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc