SAWIRO:-Wiil Soomaaliyeed oo kaalinta 1aad ka galay Tartanka Qur'aanka Dunida Islaamka.

0
Saturday June 09, 2018 - 21:36:36 in Wararka by Mucalim Muxamed Cabdullahi
  • Visits: 1719
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SAWIRO:-Wiil Soomaaliyeed oo kaalinta 1aad ka galay Tartanka Qur'aanka Dunida Islaamka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

 

Waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalooyinka mataanaha Minneapolis st paul International Airport lagu soo dhaweeyey Axmed Burhaan Maxamed oo ah wiil Soomaali Amerikaan ah isla markaasna in ka badan Boqol Dal oo caalamka kaga guulaystay tartan Qur’aanka kariimka, kaas  sannadkasta lagu qabto Dalka isutagga Imaadaraadka carabta.isagoo matalayay Dallka Mareykanka.

Waxaa Gegida Diyaaradaha ee Minneapolis kusoo dhaweeyay Boqolaal ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed  ee Maraykanka,masuuliyiin ka socotay hay’adda Care Minnesota oo u doodda Dadka Muslimiinta ah,Maamulka iyo macallimiinta Masjidka Abubaraku Saddiiq.

Iimaamka Masjidka Abubarku sadiiq , Abdirizak Xaashi, ayaa aad u ammaanay Axmed dedaalkiisa iyo kaalinta uu ka galay tartanka Qura’aan aqriska Dunida Islaamka, wuxuuna faray waaliddiinta inay ubadkooda ku dedaalaan.

Burhaan Maxame oo ah Axmed Aabbihii ayaa ku boorriyay Waaliddiinta Soomaaliyeed ee ku sugan Maraykanka inay Diinta Islaamka baraan Ubadkooda, si hadhoow ay u soo baxdo Bulsho ilaashata Diintooda, iskana saaraan fekerka ah inaan Maraykanka iyo Galbeedka Diin lagu baran karin.

Qaar ka mid ah Aabayaasha Soomaaliyeed ayaa aaaminsan in aan Dalka Mareykanka lagu baran karin Qur’aanka,Iyadoo dalalka islaamka loo qaado ilamaha ku dhashay dalka mareykanka,balse Aabe burhaan oo dhallay Ahmed ayaa aaminsan in meel kasta lagu baran karo Qur’aanka kariimka.

Xigasho Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc