Sakaatul-Fidrigu yey u waajibtay yeyse ku waajibtay?

0
Saturday August 06, 2011 - 03:22:55 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2710
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sakaatul-Fidrigu yey u waajibtay yeyse ku waajibtay?

    Dhamaan Axbaabta Sharafta leh ee Muslmiinta waxaan halkaan idin kugu soo gudbinayaa Mowduuc ku saabsan (Sakaatul-Fidriga) sidaan la socono waxaan ku guda jirnaa Bisha Barkaysan ee Ramadaan, sidaa daraadeed waxaan doonyaa in aan xusuusiyo nafsadeyda i

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhamaan Axbaabta Sharafta leh ee Muslmiinta waxaan halkaan idin kugu soo gudbinayaa Mowduuc ku saabsan (Sakaatul-Fidriga) sidaan la socono waxaan ku guda jirnaa Bisha Barkaysan ee Ramadaan, sidaa daraadeed waxaan doonyaa in aan xusuusiyo nafsadeyda iyo idinkaba in Ilaahay Subxaanahauu Watacaalala uu inagu waajib yeelay in aan bixnno Sakaatul-Fidri sandad kasta laga bilaabo habeenka ugu dambeysa Ramadaaka iyo ka hor inta aan la tukan Salaada Ciidal-Fidriga. Sakaatul-Fidriga in la bixiyio waa waajib sida uu ramadaanka in la soomo ay waajib u tahay, Sakaatul-Fidrigu wuxuu waajib ku yahay Qofka kasta oo muslim ah oo haleeyey ramdaanka habeenka ugu dambeysa iyo qeyb ka mid ah maalinta Ciidal-Fidriga ka hor inta aan la tukan Salaadda Ciida.Fidriga. Sakaatul-Fidrigu waxay waajib ku tahay Qof kasta oo muslim ah oo awooda ama helikara Maalinta Ciida iyo habeenkeeda qarash ka dheeraad ah hadii ay jirto in deyn lagu leeyey oo uu iska bixiyey, iyo Qarash ka dheereed ah dharka uu baahanyahay inuu xirto, iyo Qarash ka dheeraad ah adeega lagama maarmaanka ah ee uu ugu baahanyahay gurigiisa, iyo Qarash ka dheeraad ah biilka ama nafaqeynta dadka ay ku waajibta inuu nafaqeeyo sida Xaasaskiisa carrurtiisa aan qaanqaarin iyo waalidkiiisa hadii ay faqiiryihiin iyo qarsh ka dheeraad ah khaadimiintiisa ama dadka u shaqeeya isaga oo ay ku waajibtay inuu nafaqeeyo. Qadarka ama inta la bixinaayo ee ay waajibka tahay in la bixiyo isla markaana uu qofku ka bixinaayo nafsadiisa iyo xaasaskiisa, carruurtiisa, waalidiintiisa, khaadimiintiisa, waa sida soo socoto, mid kaste oo ka mid ah dadka aan kor ku soo xusay iyo nafsadiiba wuxuu ka bixinayaa Qofkiiba Hal (Saac) ama hal (Suus) saaca ama suuska hadii aan sharraxaad ka bixiyo halkii saac wuxuu la mid yahay afar gacmood iyo bar oo aan ka wado afar sacab iyo bar oo raashin ah. Raashinka uu bixinaayo waa inuu ahaadaa raashinka inta badan laga isticmaalo deegaanka uu ku suganyahay, qofka Sekeda Bixinaya, raashinka nooca ugu wanaagasan ee intifaacyada badan leh sida Galeyda oo siyaabo kala duwan loo isticmaalo taaso marna la shiido oo laga dhigo bur iyo soor iyo WM in la bixiyo galeyda ama bariiska ayaa aad u wanaagsan. Sakaatul-Fidriga waxaa waajib ah in la siiyo sideeda qeybood ee ay waajibtahay in la siiyo sekeda, Ilaahay Subxaanahuu Watacaalaa wuxuu yiri Sakedu waxay u sugnaatay in la siiyo 1 Dadka Fuqarada ah 2 Dadka Masaakiinta ah 3 Dadka Sekeda ka oo uruuriya kuwa maalka haysta 4 Dadka dhwaan soo muslimay si ay diinta ugu sugnaadaan 5 Dadka adoomada ah ee la kitaabeyey 6 Dadka Deynta lagu leeyey ee aan awoodin inay iska bixiyaan 7 Dadka u dagalamaya Ilaahay Dartiis 8 Dadka Musaafiriinta ah ee aan haysan qarash ay ugu soo laabtaan guryahoodi. Walalayaal waxaa waajib ah in Sakaatul-Fidriga la siiyo Sideeda Qeybood ee Alle subxaanu watacaalaa uu xukmiyey in la siiyo mabanaana in Sakaatul-Fidriga la siiyo dad aan ka mid ahayn sideedaa Qeybood. Sakaatul-Fidriga waxaa sunno ah in la bixiyo ramadaanka billowgiisa. Sakaatul-Fidriga waxay waa jib noqneysaa in la bixiyo habeenka ramdaanka ugu dambeysa iyo ka hor inta aan la tukan Salaadda Ciidal-Fidriga. Sakaatul-Fidriga waxaa xaaraam ah in laga daba mariyo Salaadda Ciidal-Fidriga cudurdaar la'aan. waxaa qoray Maxamed Cabdullaahi wixii aan saxay ilaahaybaa ku mahadsan wixii aan khalday nafsadeyda iyo shedaan bay ka ahaadeen Culimada waxaan ka codsanaaya inay ku daraan wixii aanan xusuusan oo aan ka tagay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc