Ixtifaalkii Mowliidka Nabiga NNK ee ka dhacay Götenborg

0
Monday February 06, 2012 - 17:48:28 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2627
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ixtifaalkii Mowliidka Nabiga NNK ee ka dhacay Götenborg

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaflad si weyn loo soo agaasimay isla markaana lagu maamuusayey Xuska nabigeena Muxamed NNKH ayaa xalay lagu qabtay magaalada Gothenburg ee dalka Sweden iyada oo ixtifaalka dhalashada nabigeena ay ka soo qeybgaleen culumaa’udiin waa weyn oo isaga kala yimid qaarada yurub iyo gobalada dalkan swedan.

Xafladan ayaa waxaa soo abaabulay culumaa’udiinka Ahlusunna waljamaaca eeSweden xafiiskooda Gothenburg, waxaana halkaasi lagu soo bandhigaymuxaadarooyin diini ah oo la xiriiray taariikhdii iyo siiradiinabigeena Muxamad NNKH, iyada oo muxaadarooyinkanaay dhex taalu ahaayeen digri salaan ay soo bandhigayeen qaar ka mid ah jameecada ahlusunna waljamaaca eeSweden.



culumaa’udiinkamuxaadarooyinka jeedinayey waxaa ka mid ahaa shiikh Muuse Cadde, Sh, Muxudiin,iyo Shiikh C/raxmaan Sh. Muxudiin, iyada oo gunaaanadkiinauu xaflada soo gunaanadayMacalin Saciidoo isaga iyo jameecadiisa ka yimid Magaalada Stockholm, waxa uuna halkaasi uga duceeyey umada Soomaaliyeed.

Ixtifaalka Nabigeena Muxamed NNKHayaa xalay waxaa loogu duceeyey dalka iyo dadka Soomaaliyeed, waxaana sidoo kale lagu habaaray kooxda Alshabaab, waxaana goobta xaflada lagu soo bandhigay su’aalo muhiim ah oo dadku ay soo weydiisanayeen culumaa’udiinka, kuwaas oo jawaabo muhiim ah laga bixiyey.

Guud ahaan xafladii lagu maamuusayey dhalashada nabigeena Muxamad NNKHayaa waxa ay ku soo gabagabowday jawi aad u wanaagsan, waxaana si gaar ah halkaasi loogu mahadceliyey dhamaan intii ak qeybqaadatay oo xoog iyo hantiba ku bixiyey qabsoomida xafladaasi.




























Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc